Faah Faahin: Xafladii Lagu Xusay Sanad Guuradii 33 aad Ee Jwxo Ee Lagu Qabtay Qaahira.
Sida aan warki hordhaca ahaa idiin ku sheeg nay Jaaliyada Ogaadeniya ee Magaalada Qaahira ee wadanka Massar ayaa waxay qabteen xaflad lagu maamuusayo sanad guuradii 33aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO)xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay shacab wayne Soomaaliyeed iyo jaaliyada Ogaadeniya ee Masar waxaa kale oo kasoo qayb galay kala wafti ka socday jaaliyad Soomaaliyeed ee magaalada Qaahira oo uu hor kacayo gudoomiyaha Jaaliyada Somaaliyeed Qaahira Mudane Dr Ahmed Saabir.
Xaflada ayaa waxaa lagu furay qudbad uu soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogadenya ee Qaahira Mudane Axmed Naasir Haye wuxuu kasoo jeediyay qudbad uu kaga hadlaayay taariikhda halganka Ogadenya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu halganka soo maray waxaa kale oo xaflada ka hadla xubno badan oo ka shan qadhiyay ahmiyada ay bishan u lee dahay shacabwaynaha Soomaalida Ogaadeniya.
Waxaa kale oo dhanka kale hadal qiimo badan kasoo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada Somaaliyeed ee Masar mudane Dr Ahmed Saabir asagoo sheegay in walaalaha Soomaaliyeed ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Ogaadeniya ee gumagsiga kula jira dagaalka hiil iyo hooba.
Waxaa intaas kadib masraxa ruxay oo heeso wadani ah iyo dhaantooyin qiiro badan kasoo bandhigay kooxda xidigaha Ogaadeniya ee Massar ee Duufaan Qaran ayagoo ku nuux dhaantooyin wadani ah heeso wadani ah iyo barnaamijyo Madadaalo ah oo ifinaayay marxalada halganka Ogaadeniya iyo tacadiyada gumaysigu u gaysto shacabka Ogaadeniya.
Xaflada ayaa gabagabadii waxay kus soo dhamaatay si guul ah waxaana lagu soo xidhay heesooyin wadani ah.
ONA/Qaahira.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.