Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay ciidanka sirdoonka wayaanuhu ay si aan horay loo arag ubilaabeen dagaal dhexdooda ah, iyagoo bilaabay in ay si muuqata isu khaarajiyaan si ula kac ahna midba midka kale uminja xaabiyo.

Sida xogta aan kuhelayno mid kamid ah ciidamada sirdoonka wayaanaha oo udhashay qoomiyada Tigreega ayaa toogasho kudilay sargaal ciidanka sirdoonka katirsanaa oo udhashay qoomiyada lagumaysto ee Oromada, waxaana lasheegayaa in sargaalkan lagu toogtay goob fagaare ah dadka shacabka ah oo daawanaya.

Is khaarajinta ciidanka sirdoonka wayaanaha ayaa lasheegayaa in uu yimid kadib markay ciidamadu kufashilmeen shaqadii loo diray oo ahayd in shacabka laga dhigo mid ladilo iyo mid laxidho, si loo qabjibiyo shacabka kacdoon wadayaasha ah ee diiday gumaysiga kooxda TPLF.

Ciidanka sirdoonka oo shaqada ugu xoog badan ee kahortaga dibad baxayaasha loo diray ayaa bilaabay in ay isku eedeeyaan adaa iilahaa iyo adaa shaqadaada qabsan waayay, waxayna bilaabeen in ay ukala qaybsamaan beel beel iyo saaxiib saaxiib.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa bilaabay in uu guud ahaan ciidanka sirdoonka kashakiyo kadib markay bixiyeen macluumaad khalad ah oo lagu khasaaray, wuxuuna talisku bilaabay in kuwa aan udhalan qoomiyada Tigreega uu shaqada ka eryo isagoo ku eedaynaya musuq maasuq iyo karti xumo.

Xaaska ninkan sargaalka ah ee ladilay ayaa sheegtay in dhowr bari kahor ay ninkeeda uyimaadeen 4 nin oo Tigree ah una dhashay qoomiyada Tigreega kuwaas oo mudo saacado ah waydiinayay su’aalo faro badan, waxaana aakhirkii lakhaarajiyay sargaalkii.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay