Wadamada France, Germany, Italy iyo Spain ayaa sheegay inay dalalka Chad iyo Niger ka caawin doonaan qorshe lagu xakamaynayo dadka Tahriibta ku yimaada dalalka Yurub.

Shirka looga hadlayey Tahriibta oo uu marti geliyey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shalay ka dhacay magaalada Paris, wafuuda ka timid Afrika ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyayaasha dalalka Chad, Niger iyo xukuumada caalamka ictiraafsan yahay ee Liibiya.

Kulankii Paris ayaa laga soo saaray qorshe cusub oo la sheegay in lagu dhisi doono xeryo qaxooti oo laga hirgelinayo dalalka Chad iyo Niger, halkaasi oo marka hore lagu qaabili doono dadka Tahriibta ah ee doonaya inay galaan Yurub.

Xarumahaasi oo lacagta ku baxeysa ay bixin doonaan dalalka EU-da ayaa waxaa maamuli doona Qaramada Midoobay, waxaana lagu diiwaangelin doonaa Tahriibayaasha, kadibna kuwa baahida ugu weyn qaba ayaa si sharci ah loogu qaadi doonaan dalalka Yurub oo qeybsan doona Qaxootigaasi.

Madaxweynaha France Macron ayaa heshiiskan ku tilmaamay kii ugu wanaagsanaa oo illaa iyo hada laga gaadho arrimaha Tahriibta badan ee kusoo qul quleysa dalalka Yurub. Haweenayda hogaamisa Germany Angela Merkel ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo in la kala saaro dadka tahriibayaasha ah, isla markaana gargaarka ay u baahan yihiin lasiiyo dadka qaxootiga rasmiga ah ee cabsida uga soo cararay wadamadooda.

Weli faah faahin lagama bixin qaabka qorshahan loo hirgelin doono, waxaana kamid ah mashruucan in dalalka Afrikaanka ah laga caawiyo illaalinta xaduudahooda. Balse dhawaan ayaa la filayaa in guddi loo saaray arrimaha ay kormeer ku tagaan wadamada Afrika ee xeryahan laga dhisi doono.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay