Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay qaaday mid kamid ah talaabooyinkii guracnaa ee ay qaadi jirtay, taas oo sida lasheegayo dhalisay codho xoogan oo dadka shacabka ah kubeerantay.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda aan waxa dhici doona kafikirin ee TPLF ayaa sheegtay in ay magaalada Bishuft ee dhulka Oromada kadhisayaan Taalo ay ugu talo galeen dad boqolaal ah oo ciidanka gumaysigu ay kal hore kulaayeen iyagoo isugu soo ururay xaflad dhaqameed ay dadka Oromadu qabtaan sanad kasta mar.

Kooxda xuquuqda shacabka xabaasha ee TPLF ayaa sheegtay in dadka boqolaalka ah ay dhinteen kadib markay isjiidheen, waxayna kooxdu sheegtay ay taalo lagu xasuusan doono udhisayaan.

dadka ehelka iyo qaraabada u ah dadka boqolaalka ah ee magaalada Bishuft lagu xasuuqay ayaa siwayn uga cadhooday hadalka kooxda TPLF ee aan meela saarayn, waxayna dadwaynuhu bilaabeen in ay is uruursadaan.

Wax garadka iyo aqoonyahanka qoomiyada Oromada ayaa talaabada kooxda TPLF kutilmaamay riwaayad aan gadmaynin, waxayna sheegeen in hindisaha kooxdu uusan kagadmaynin shacabka Oromia iyo dowladaha caalamka midna.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo wariye yaal caalami ah ayaa makhraati ka ahaa markuu dhacayay xasuuqii Bishuft ee ay 500 ee qof kudhinteen, waxaana howlgalka wayaanaha ee Bishuft ka qayb qaatay diyaaradaha dagaalka ee wayaanaha.

Guntii iyo gunaanadkii magaalada Bishuft iyo deegaanada kuxeeran ayaa laga filayaa in ay kabilowdaan kacdoono waawayn oo lagu diidan yahay Taalada lasheegay in loodhisayo dadkii ay wayaanuhu laayeen oo ladoonayo in dhiigooda laduudsiyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay