Waxaa goor dhawayd oo galabta ahayd soo gabagabowday xaflad siwayn looga soo shaqeeyay oo lagu maamuusayay sanadguuradii 33aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Sida aan hordhicii idiin soo gudbinayba waxaa xaflada kasoo qayb galay boqolaal dadwayne ah oo isugu jira xubnaha faraca Muftaaxul-xoriyo iyo taageerayaal badan oo kusugan xerada Ifo, sidoo kale waxaa xaflada kasoo qayb galay mas’uuliyiin jabhadeed iyo marti sharaf kale oo katimid xeryaha qoxootiga ee deegaanada Dhadhaab iyo Faafi.

Xaflada ayaa ugu horaynba lagu daahfulay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, sidoo kale gudoomiyaha faraca Muftaaxul-xoriyo oo shirka furay ayaa dadwaynaha kusoo dhaweeyay gacmo furan wuxuuna gudoomiyuhu dadwaynaha u akhriyay ajandaha xaflada.

Intaas kadib waxaa goobta laga akhriyay taariikhda Ogadenia oo kooban, waxayna dadwaynuhu siwayn ugu diirsadeen taariikhda soojireenka ah ee wadankooda oo maanta qaybo kamid ah loo akhriyay.

Intaas kadib waxaa khudbado kala duwan soo jeediyay mas’uuliyiin kala duwan oo heerar kala duwan ah, waxayna mas’uuliyiintu hoosta kawada xariiqeen in lagaadhay xiligii xoriyada.

Sidoo kale waxaa goobta kamaqnayn kaalmihii suugaan halgameedka sida gabayada iyo heesaha, waxayna dadwaynuhu uqushuuceen.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa sinabad galiyo ah kusoo dhamaatay xafladii lagu maamuusayay dhalashadii JWXO, waxayna dadwaynuhu is waydaarsanayeen erayo halgameed oo ubadan waaqica maanta jira.

Cabdulaahi Yare
ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay