Xog rasmi ah oo Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ay heshay ayaa muujinaysa in dhaqaalihii wadanka gumaysiga Itoobiya kasoo gali jiray dadka qurba joogta ah uu 80% isdhimay, hoos udhaca dhaqaalaha ayaa yimid kadib markay dadkii qurba joogta ahaa naftoodii iyo maalkoodii ku aamini waayeen wadanka Gumaysiga Itoobiya.

10kii bilood ee ugu dambeeyay ayaa lasheegayaa in ay joogsadeen dadkii qurbaha katagayay ee maalgashiga kusamayn jiray wadanka Itoobiya, waxaana lasheegayaa in ay wadanka soogaleen 20% oo kaliya kuwaas oo wax maalgashi ah aan kasamaynin wadanka cabsi badan oo ay qabaan owgeed.

Dadka qurba joogta ah ayaa talaabadan qaaday kadib markii kacdoon xoogan uu kabilowday Gobolada Oromia, Axmaarada, Shucuubta Koonfureed iyo wadanka Ogadenia oo 26kii sano ee udambaysay ay kasocdeen dagaalo lagu xoraynayo shacabka lagumaysto ee Soomaalida Ogadenia.

Dhinaca kale waxaa meesha kabaxay dhamaan dalxiisayaashii ajnabiga ahaa kuwaas oo gabi ahaanba istaagay kadib markay sanadkii tagay bilowdeen kacdoono xoogan oo lagu diidan yahay maamulka macangaga ah ee kooxda TPLF.

Dadka kacdoon wadayaasha ah ayaa dhankooda bilaabay in ay burburiy dhamaan mashaariicda ay dadka ajaanibta ah kasamaysteen wadanka Itoobiya, waxayna kooxda TPLF tu halkaas kuwayday dhaqaale aad ubadan oo ay kaqaadan jireen dadka ajaanibta ah ee maalgashiga wadanka kasamaysta.

Dhinaca kale ciidamada bahalka ah ee gumaysiga ayaa dhac iyo handadaad aad ubadan kula kacay dadka qurba joogta ah ee wadanka tagaya iyaga oo ku eedeeya in ay taageeraan jabhadaha hubaysan iyo dadka kacdoon wadayaasha ah.

Iskusoo wada duub oo waxaa meel aad uhoosaysa maraya dhaqaalihii wadanka Gumaysiga Itoobiya, waxaana hoos udhaca dhaqaalaha lagu sababeeyay musuqa baahsan ee wadanka kajira iyo maamul xumada oo ah mida ugu horaysa ee dhaqaaluhu uu u burburay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay