Ma Soomaalinimaday Eedeen?

Axmed Yaasiin Cabdi

ismalure@hotmail.com

31 August, 2017 

Waa su’aal laga yaabo inay dad badani u arkaan mid aan macno wayn ku sii fadhiyin, lamana yaabayo qofka sidaas u arka, sababtoo ah waxaa suuragal ah inayna la soo gudboonaanin duruufo ku kallifa inuu ku taamo in dhiigga iyo dhaqanka looga jaro dadkii uu Ab iyo Isir la wadaagay. Waxaa laga yaabaa inay dad badani u arkaan waxaan suuragal ahayn inuu qofku ku tallamo “allahayow maxaad qoladaas isir iila wadaajisay, ood ummado kale iiga dhalin wayday.” Qofka sidaas ku muusannaabana waxay u arkaan inuu yahay qof aan garasho dheer lahayn ama taladu dhinac martay oo toosin iyo tusaalayn u baahan.

Waxaana middaas ugu wacan iyadoo dhalashada iyo dhiig-wadaaggu ay muhiim u yihiin noolaha Ilaahay dunidan ku abuuray oo dhan, bani’aadamkuna uuba ka sii xag-jiro. Qofka bani’aadamka ahi wuxuu wax ku noqdaa bulshada uu ka dhashay. Ma jiro qof kaligii noolaan kara ama nolosha meeqaan ka gaadhi kara, isagoon tabantaabo ka helin inta ku meermeersan ee ehelkiisa ah, kuwaasoo iyaga laftoodu aan noolaan karin haddii ayna bulsho-waynta tabantaabo ka helin.

Dhinaca sharafta iyo karaamadana wuxuu qofku magac iyo meeqaan ku yeeshaa darajada ay bulshadiisu leedahay, taasoo uu la wadaago hadday wanaag tahay iyo xumaan tahayba, marka si guud looga hadlayo bulsho mucayan ah. Bulshada soomaaliyeed haddii ay sharaf yeelato, waxaa sharaftaas saami ka helaya qof kastoo Soomaali ku abtirsada. Haddii ay xumaan ku sifowdana, waxaa xumaanta la wadaagaya qof kastoo Soomaali ah.

Hadday waxtar iyo wax isa-siin noqoto, cidda marka ugu horraysa aad waxtar ka sugayso waa cidda aad isir iyo dhaqan wadaagtaan. Waxaa hubaal ah, adigoo arkaya qof Soomaali ah inaadan qof kale wax waydiisanaynin haddii ay duruufi kugu kallifto inaad cid wax waydiisato. Waa arrin dabiici ah oo noolaha oo dhami ay ka siman yihiin.

Haddii aad cadow is-haysaan ood gargaar iyo garab u baahato, cidda aad marka ugu horraysa hiillo ka fishaa waa qofka Soomaaliga ah eed dhiig iyo dhaqanba wadaagtaan.

Isku xidhnaanta noocaas ah ee qof waliba dareemayo, si camali ahna u tijaabiyay, ayaa keenaysa in su’aasha kore ay noqoto mid ka dagi wayda dadka intiisa badan, sababtoo ah waa su’aal aan loo baranin, laakiin ku timid waayaha qallafsan ee Soomaalidu ku jirto.

Waa su’aal ka timid walaal Soomaaliyeed oo waliba aqoonyahan ah, muddo dheerna u halgamayay sharafta iyo qarannimada Soomaaliyeed, laakiin ugu dambayntii garawsaday in qaar badan oo ka mid ah nabarrada gaadhaya ay Soomaalinimada darteed u gaadhayaan.

Kaligiina kuma eka ee dad Soomaaliyeed oo malaayiin gaadhaya ayaa si dhab ah hadda isu waydiinaya “soomaalinimadu faa’iidada ay u leedahay”. Waa nasiib darro, laakiin dhibaatada magaca Soomaaliyeed loogu gaystay ayaa dadkaas ku kalliftay inay isirkooda qoomaan.

Dhiibistii C/kariim Sh Muuse

Qof kastoo arrimaha Soomaaliyeed la socda wuxuu ka dharagsan yahay tallaabada waxshinimada ah ee xukuumadda Soomaaliya ay qaadday, taasoo ah inay gumaysiga Itoobiya u gacan galisay muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo afduubay magaalada Gaalkacyo.

Muwaadinkan, oo lagu magacaabo C/kariim Sh Muuse, waxaa 23kii Agoosto 2017 lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana qabtay ciidammada ammaanka ee maamul goboleedka Galmudug. Muddo labo maalmood ah markii uu halkaas ku xidhnaa, waxaa soo qafaashay ciidammo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo diyaarad ku soo qaatay.

Mudane C/kariim Sh Muuse wuxuu ahaa nin qaali ah oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee ONLF, hase yeeshee intii muddo ahayd ku noolaa waddanka Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa halyayada Soomaaliyeed ee saska ku riday gumaysiga Itoobiya. Kuwan Tigreega ah ee hadda jooga iyo kuwii ka horreeyay ee Dhirgiga ahaaba.

C/kariim wuxuu ka tirsanaan jiray ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ka gaadhay darajo sargaalnimo. C/kariim wuxuu hadda ka hor ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Galdogob, berigii ay Itoobiya soo weerartay, wuxuuna muddo dheer ka mid ahaa geesiyaasha u taagan difaaca sharafta iyo jiritaanka Soomaaliya. Haddana wuxuu ka tirsan yahay geesiyada u halgamaya sidii ay gumaysiga uga xorayn lahaayeen dalka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato ee Ogaadeenya.

Intii uu C/kariim ku xidhnaa magaalada Gaalkacyo waxaa isku qabsaday dhinacyo badan oo kala duwan mid waliba uu doonayay inuu isagu Itoobiya u geeyo. Waxaa isku qabsaday maamullada Galmudug, Puntland, Ahlu Sunna wal Jamaaca iyo xukuumadda fadaraalka ah ee Soomaaliya. Maamulladaas oo dhami waxay u ruclaynayeen inay muwaadinkaas aan wax dambi ah ka galin Itoobiya u dhiibaan, si ay u raalli galiyaan oo ugu muujiyaan inay daacad u yihiin.

Hase yeeshee xukuumadda fadaraalka ah, oo iyadu ugu tun-waynayd cadowga isku qabsaday muwaadinkaas miskiinka ah, ayaa markii dambe diyaarad ku soo ridatay oo Xamar la soo gashay, si ay ugala soo fogaato bahalihii kalee raqda kula dagaallamayay.

Arrintaasi waxay ka cadhaysiisay maamulladii u tartamayay dhiigga walaalkood, waxaana xukuumadda fadaraalka ah aad u dhaleeceeyay Taar-dhuleed, oo ka tirsan maamulka Galmudug, oo sheegay in maamulkiisu uu ahaa midka xaqa u leh inuu ninkan iibsado.

 

Markii la keenay magaalada Muqdisho waxaa lagu xidhay xabsi ay leeyihiin sirdoonka Soomaaliya NISA, waxaana loo diiday eheladiisii iyo masuuliyiin isku dayay inay xabsiga ku booqdaan. Muddo dhawr maalmood ah ayaa xabsiga NISA lagu hayay, ka dibna, sida loo badinayo maalintii talaadada ahayd ee taariikhdu ahayd 29/08/2017 ayaa si toos ah gacanta loogu galiyay gumaysiga Itoobiya.

Muddada uu C/kariim Muqdisho ku xidhnaa waxaa socday dadaallo badan oo ay wadeen masuuliyiin iyo xildhibaano Soomaaliyeed oo wali damiirkoodu caafimaad qabo, kuwaasoo dowlada ka codsanayay inay sheegto waxa ay ka damacsan tahay arrinta muwaadinkaas, hase yeeshee dowlada ayaa masuuliyiintaas albaab walba ka xidhatay, kuna dadaashay inayna xogtiisa waxba ka ogaanin, taasoo markiiba dhalisay shakiga ah in muwaadinkan la dhiibayo.

Waxaa la xaqiijiyay in arrintan si toos ah looga maamulayay xafiisyada madaxwaynaha iyo ra’iisal wasaarahay, iyaguna ay wadaxaajood kula galeen gumaysiga Itoobiya. Ugu dambantiina xukuumadda fadaraalka Soomaaliya waxay qiratay inay muwaadinkaas dhiibtay, ka dib markii su’aal laga waydiiyay. Taliyaha nabadsugidda Soomaaliya Sanbaloolshe, oo su’aasha ka jawaabayay ayaa yidhi “arrinka la xiriira sargaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladu wareejisay sidaad la socotaan waa arrin xasaasi ah oo ay tahay in goobteed iyo waqtigeeda looga jawaabo”. Ra’iisal wasaaraha oo madasha la fadhiyay ayaa isaguna ku raacay.

C/kariim uguma horreeyo muwaadin Soomaaliyeed oo loo aanaynayo inuu qayb ka yahay halganka ka socda Ogaadeenya oo gumaysiga Itoobiya loo dhiibo, iyadoo sandareero lagaga raadsanayo Itoobiya. Waxaa ka horreeyay boqollaal ama kumanaan horay loo iibiyay, oo badankood aan la ogayn meel ay ku dambeeyeen, geeri iyo nolol midna.

Hase yeeshee arrinta C/kariim waxay kuwii hore kaga duwan tahay iyadoo cidda dambigan gashay ay tahay dowladii fadaraalka ahayd. Dambiyadii hore waxaa gali jiray maamul goboleedyo ama dagaal oogayaal, waxaana la isku qancin jiray, waa dad danaystayaal ah oon matalin qaranka iyo dalka Soomaaliyeed, laakiin hadda ma jirto wax la isku qancin karo. Waa baarkii ugu sarreeyay. Ma jirto meel madaxa ka sarraysa oo la xoqo.

Taariikhda waa markii ugu horraysay ee madaxwayne Somaaliyeed uu saxiixo go’aan muwaadin Soomaaliyeed loogu dhiibayo cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya. Farmaajo taariikhdaas ayuu qortay, mana aha mid ka tirtirmi doonta quluubta dadka Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah.

C/kariim haddii uu dambi ka galay dalka Soomaaliya maxaa diidaya in maxkamad la saaro oo dambigiisa lagu soo oogo. Madaxwaynaha Soomaaliya haddii uu hal muwaadin ka difaaci waayay cadowga Itoobiya, ma malaayiin Soomaaliyeed ayuu difaaci karayaa, mise qaran Soomaaliyeed ayaa lagu aamini karayaa.

Khiyaamada qaran ee Farmaajo galay ma jiro madaxwayne Soomaaliyeed oo horay u galay. Khiyaamada qaran ee xukuumadda Khayrre ay gashayna ma jirto xukuumad Soomaaliyeed oo horay u gashay.

Maxaa lagu dilayaa dadka Soomaaliyeed ee nabadgelyada iyo duggaalka u soo raadsaday Soomaaliya? Waxaan ka warhaynaa in Soomaaliya ay ku nool yihiin dadyow badan oon isirka Soomaali meelna ka soo galin. Dadkaasi nabadgelyo ayay ku joogaan Soomaaliya, waliba way ka shaqaystaan, wax dhib ahna looma gaysto. Wali miyaad maqasheen qof Amxaaro ah ama qof Oromo ah ayaa Soomaaliya laga masaafuriyay ama Itoobiya loo dhiibay. Ma jirto, haddii ay jirtana ma badna, marka loo eego dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya ka soo cararay.

Haddaba ma Soomaalinimaday eedeen? Godob sokeeyase goormay noqotay gogol lagu gama’o? Waa su’aal u taalla waxgaradka, waddaniga, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo culimada Soomaaliyeed. Dulmiga qofka gaysta iyo midka duudsiyaa waxba isma doorshaan. Dekano walaaleedna ogow marna ma duugowdo.

Goodbye Xamareey!!

Magaalada Xamar waxaan ka soo dhoofay 17/11/1988, waxaana soo raacay Somali Airlines, anigoo ku soo baxay deeq waxbarasho oo dowladii Soomaaliya ii soo dirtay. Xamar ama Muqdisho waxay ahayd deegaankii aan ku soo barbaaray een waxbarashada dugsiga ku soo dhammaystay, waxayna ahayd deegaankii aan maanka ku hayay inaan ku noqdo markaan waxbarashada sare dhammaysto.

Ilmo ayaa indhahayga soo buuxisay markii aan garoonka ka soo baxayay, waxaana ugu wacnayd  kalgacalkii aan Xamar iyo dadkeeda Soomaaliyeed u qabay. Kalgacalku iskama abuurmo, meel madhana kama dhasho ee wuxuu leeyahay curiyayaal ka shaqeeya inuu unkamo, ka dibna bulaalo oo saldhigo quluubta iyo dareemayaasha noolaha.

Curiyayaashaas waxaa ka mid ah xidhiidhka aad la leedahay bulshada deegaankaas ku nool, nabadgelyada aad ku haysato, sharafta iyo karaamada aad ku leedahay, rajada iyo mustaqbalka aad ka filayso iyo arrimo kale oo badan. Arrimahaas oo dhami waxay sii kordhinayaan boholyowga iyo laxowga kalgacal eed deegaankaas u hayso.

In badan oo xilligaas ka dambaysay waxaan niyadda ku hayay inaan maalin maalmaha ka mid ah ku laabto Xamar anigoo ah Soomaali sharafta iyo karaamada la wadaaga walaalihiisa halkaas ku nool. Muddo dheer ayay qaadatay, waxaana ugu wacnaa waayaha colaadeed ee Soomaliya ee dhex-maaxaysay dhawr iyo labaatankii sanee la soo dhaafay, hase yeeshee waxaan maanta (31/08/2017) ka hor niyadda ku hayay inay iman doonto maalintaan muddada dheer sugayay oon Xamar mar kale sareedo isku salaami doono. Balse maalintaasi iigama dhex-muuqato hummaaga mustaqbalka.

Bilo ka hor, aniga iyo waddaniyiin badan oo Soomaaliyeed, waxaan u dabbaal dagaynay inay Soomaaliya mar kale soo noolaatay ooy heshay hoggaan cusuboo xor ah oo daacad ka ah soo noolaynta qarannimada Soomaaliyeed, hase yeeshee yididiiladaasi waxay noqotay mid lagu hankaagay, waxaana muuqata in Farmaajo iyo Khayrre ayna waxba ka duwanayn madaxdii xukunka kala boobaysay tan iyo intii ay meesha ka baxday dowladii Soomaaliyeed billowgii sagaashanaadkii.

Waxay qaadeen waddadii ay ku curyaameen, bulshadana ku curyaamiyeen, kuwii ka horreeyay ee ahayd inay duudka u dhigtaan reeryada gumaysiga Itoobiya, danaheedana ay ka shaqeeyaan, intii ay dadkooda iyo dalkooda u shaqayn lahaayeen.

Sidaas darteed, anigoo aad uga xun, GOODBYE XAMAREEY, waa inoo markaad xorowdo haddii xilligu igu simo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.