Wararka naga soo gaadhaya woqooyiga wadanka Gumaysiga ayaa sheegaya in qoomiyada Tigreegu ay dhibaatooyin kala duwan ugaystatay qoomiyada Tirada yar ee Qimamt oo dagta xuduuda wadanka Gumaysiga iyo dalka Sudaan.

Sida xogta aan kuhelayno qoomiyada Tigreega oo doonaysa in ay guud ahaanba lawareegto dhulka qoomiyada Qimamt ayaa bilo kahor qaaday weerar balaadhan oo ay kusoo qaqabteen wax garadka iyo aqoonyahanka qoomiyada Qimamt.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka wayaanaha oo garab siinaya qoomiyada talada wadanka haysata ee Tigreega ayaa gacanta kusoo dhigay 30 qof oo kamid ah hogaanka qoomiyada Qimamt, kuwaas oo sida lasheegay lagu hayo jeel kuyaala Gobolka Tigreega.

Dadkan oo mudo kujiray gacanta cadawga ayaa lasheegayaa in ay katiinado ku xidh xidhan yihiin ilaa iyo intii xabsiga lootaxaabay, waxaana lasheegayaa in ladoonayo in dadkan la ogolaysiiyo in ay katanaasulaan dhulkooda si ay qoomiyada Tigreegu ula wareegto.

Hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaa cambaareeyay falkan foosha xun ee lagu iqaabayo xubnahan udhashay qoomiyada laga tiro badan yahay ee Qimamt, waxayna hay’aduhu sheegeen in loobaahan yahay laxisaabtan dhab ah oo lalayeesho dadka dhibka gaystay.

Sidoo kale shacabka iyo siyaasiyiinta qoomiyada Qimamt ayaa si wada jir ah u canbaareeyay fal dambiyeedka lagula kacay dadka shacabka ah ee qoomiyada Qimamt.

Ma aha markii ugu horaysay ee ciidanka wayaanuhu ay iqaabaan dad uxidh xidhan waxayna iqaab joogta ah waxayna sanado badan dadka shacabka ah ee jeel-ogaadeen kujira kuhayeen jidh dil aan kala joogsi lahayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay