Khubaro caalami ah oo dhinaca dhaqaalaha ah ayaa sheegay in ay adag tahay in uu soo kabto dhaqaalaha wadanka Gumaysiga, oo sida ay khuburadu sheegeen maraya meeshii abid ugu hoosaysay oo uu gaadho dhaqaalaha Itoobiya.

Sida ay dhaqaale yahanadu sheegeen wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa lagu yeeshay balaayiin lacag ah oo ay adag tahay in uu iska bixiyo boqolka sano ee soosocota, waxayna dhaqaale yahanadu sheegeen in wakhti xaadirkan wadanka Itoobiya loodiiday daymihii lasiin jiray, waxaana sida lasheegay lagu xujeeyay in ay daymihii hore iska bixiyaan.

Wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa wakhti xaadirkan kujira xiligii uu ugu baahnaa dayn iyo deeqba, waxaana guud ahaan wadanka halakeeyay abaaro, cuduro iyo colaado, sidoo kale wadanka ayaa kujira marxalad xaasaasi ah waxaana qaybo badan oo wadanka ah ka socda kacdoono shacab oo ladamin waayay.

Daraasad lasameeyay ayaa muujinaysa in ay wadanka gumaysiga Itoobiya ku dhex barakaceen 8.4 milyan oo shacab ah halka in kabadan 3.4 milyana ay ku tabaalaysan yihiin deegaanadooda, sidoo kale waxaa laxaqiijiyay in ay dhinteen inkabadan 2 milyan oo xoolo ah halka tiro kale oo malaayiin ahna ay abaaruhu saameeyeen.

Abaaraha iyo cudurada ayaa lasheegay in ay inta badan kajiraan wadanka gacanta gumaysiga kujira ee Ogadenia, halkaas oo sida laxaqiijiyay ay kajiraan arimo bini’aadam nimo oo baahsan, waxaana lasheegayaa in ay abaaruhu qofkasta oo Ogadenian ah ugu tageen gurigiisa.

Daraasada lasameeyay ayaa muujinaysa in dadka lagumaysto ee Itoobiya kudhaqan ay kakooban yihiin tiro yar oo malaayiin lacag ah maamusho iyo inta badan oo aan haynin hal riyaal ah oo ay noloshooda kumaareeyaan.

Taliska ay xaajadu kuxuntahay ee wayaanaha ayaa dhankiisa afka furtay, wuxuuna dunida kacodsaday in lasiiyo kaalmo uu kudabaro dhibaatooyinka uu dhex musheexayo.
ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay