Dowladda Maraykanka ayaa ka jawaabtey go’aankii Ruushku uu 750 Diblomaasi oo Maraykan ah dalkooda uga saareen.

Maraykanka ayaa ku amrey Ruushku in ay xidhaan qunsuliyadda ay ku leeyihiin magaalada San Farancisco ee gobolka Kalafoorniya, muddo laba maalmood gudahood ah. Sidoo kale Dowladda Maraykanku waxay Ruushka ku amartey in ay xidhaan laba xafiis diblomaasiyadeed oo ay ku leeyihiin magaalooyinka Washington iyo New York.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa si weyn uga cadhoodey go’aanka labaad ee ka soo baxay Maraykanka waxaana uu yiri ” Moscow waxay darsaysaa xaaladda cusub iyo go’aanka Maraykanka kadibna waxaan gaadheynaa go’aan ku saabsan talaabada aan qaadi lahayn”.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay