Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda TPLF kuguulaysatay qayb ahaan isku dirkii qoomiyadaha oodwadaagta ah ee lagumaysto, sida xogta aan kuhelayno kooxda wakhtigeedu gabaabsiyay ee wayaanaha ayaa xoog iyo xoolaba isugu geeyay sidii ay colaad uga dhex hurin lahayd qoomiyadaha lagumaysto ee dariska iyo walaalahaba ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in dagaalo lagu hoobtay ay wakhti xaadirkan kasocdaan xuduuda udhaxaysa wadanka Ogadenia iyo dhulka Oromia, waxaana lasheegayaa in khasaaraha dagaalku uu gaadhay meeshii ugu xumayd ee abid uu gaadho dagaalka qoomiyadaha lagumaysto ee taliska wayaanaha kuhoos nool.

Dagaalada ayaa lasheegayaa in ay fooda isku dareen labada dabaqoodhi oo talisa wayaanaha wakiil uga ah hurinta colaadaha waxaana sida laxaqiijiyay dagaaladan kudhintay boqolaal katirsan kuwa wayaanaha dabadhilifka u ah ee loosameeyay gumaadka labada shacab ee Ogadenia iyo Oromia.

Sidoo kale dagaaladan ayaa lasheegayaa in ay saamayn wayn kuyeesheen nolosha labada shacab ee Ogadenia iyo Oromia, waxaana laxaqiijiyay in ay dhinteen dad aad ubadan oo shacab ah oo ay xasuuq ugaysteen dabaqoodhiga islaynaya.

Dhaawacyada labada dhinac ayaa lasheegayaa in lageeyay goobaha caafimaadka ee Ogadenia iyo Oromia, kuwaas oo sida lasheegay aan helin daryeelkii caafimaad ee xukuumada wayaanaha ee dagaalada galisay ay kafilayeen.

Sidoo kale dagaalo lagu hoobtay ayaa horaantii sanadkan iyo dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana dagaaladaas lagu waayay boqolaal dad ah iyo malaayiin hanti ah oo ay lahaayeen dadka dulman ee Soomaalida Ogadenia iyo shacabka Oromada oo ah labo umadood oo walaalo iyo darisba ah.

Kooxda TPLF oo mashaqo siyaasadeed dhex maaxaysa ayaa simuuqata dabada uga riixaysa si ay uyarayso qayb ahaan culaysyada saaran ee kaga imaanaya dhinaca shucuubta kala duwan ee kacdoonada waday sanad iyo badhkii ugu dambeeyay.

Guusha ay kooxda TPLF kagaadhay dagaalada waxaa fududeeyay labada wakiil ee Oromia iyo Ogadenia ujooga, kuwaas oo bilo kahor wadahadal ay yeesheen kusheegay in ay joojinayaan dagaalada micno la’aanta ah ee udhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay