Wararka ka imanaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya arin argagax iyo yaab kunoqotay guud ahaan dadyowga dunida, taas oo keentay in ay hay’adaha xuquuqul insaanku aad uga hadlaan siwayna ucambaareeyaan.

Sida xogta aan kuhelayno magaalada Addis Ababa ayaa noqotay saylad ciyaalka laga dhoofiyo iyagoo lagu kala iibsanayo lacag yar, warka ayaa intaas kudaraya in todobaadkan oo kaliya magaalada Addis Ababa laga dhoofiyay boqolaal caruur ah oo lagu wareejiyay dad ajaanib ah oo dunida kakala yimid.

Kooxda musalaftay ee TPLF ayaa sheegtay in barnaamijkan uu yahay mid dhaqaale badan soo galinaya dadka iyo dalka Itoobiya, waxayna kooxdu arinan ugu magac dartay korsasho iyo kaalmo wada socda oo ciyaalka looga faa’iidaynayo, waxayna kooxdu diiday in ciyaalka la iibsanayo.

Dadka ciyaalka la iibinayo dhalay ayaa lagu qanciyay in ciyaalka loo korinayo isla markaana lasiinayo woxoogaa lacag ah oo ay noloshooda kudabaraa, waxayna dadkan oo aad ubaahan ogolaadeen dabinka loo dhigay waxaana barnaamijkan si wayn uga faa’iidaysanaya kooxda TPLF.

Dadka wax garadka ah ee kusugan magaalada Addis Ababa ayaa siwayn uga biyo diiday talaabadan lagu iibgaynayo ciyaalka aadka u da’a yar, waxayna wax garadku sheegeen in ubixii wadanka ee sookorayay ladhaafsanayo woxoogaa lacag ah.

Dhinaca kale hay’adaha xuquuqul insaanka iyo kuwa ciyaalka udooda ayaa aad u cambaareeyay falka foosha xun ee lagu iibgaynayo ciyaalka aadka u da’a yar kuwaas oo gacanta laga galiyay dad shisheeye ah oo aan ubad lahayn.

Isku soo wada duub oo wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa noqday wadanka kaliya ee Africa kuyaala ee baahi darteed looga iib geeyo ciyaalka si woxoogaa dhaqaale ah oo nolosha lagu dabaro loo helo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay