Warar ay ONA heshay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku dhinteen weerar ay maleeshiyada Al-Shabab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbaland.

Saraakiisha Gobolka Jubbaland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo weerareen xeryaha ciidanka ee Buulo Guduud iyagoo adeegsanaya baabuur lasoo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo dad naftood-halligayaal ah ay wadaan.

Ururka Al-Shabab ayaa dhankooda sheegtay inay qabsadeen xerada ciidanka ee Buulo Guduud isla markaana ay dileen 26 askari oo katirsan ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeradaas weerarku ka dhacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay