Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya ismaan dhaaf wayn oo soo kala dhex galay taliska wayaanaha iyo xisbiga mucaaradka ah ee Samayawi (Blue Party).

Sida xogta aan kuhelayno xisbiga aan tabarta lahayn ee Samayawi Party ayaa kubaaqay banaan baxyo waawayn oo lagu muujinayo shucuurta shacabka, xisbi kusheegan ayaa dadwaynaha usheegay in ay dibad baxa isugu soo baxaan 12ka bishan aan kujiro oo ku aadan sanadka cusub ee tirsiga Itoobiya.

Dhinaca kale kooxda khal khalsan ee TPLF ayaa sheegtay in aan la ogolayn wax isusoobax ah noocuu doonaba ha ahaadee, waxayna kooxdu sheegtay in ay xabsiga dhigi dhigi doonaan qofkii ay arkaan isagoo mudaharaad dhigaya.

Sidoo kale kooxda TPLF ayaa sheegtay in uu wadanka Itoobiya sharci daro kayahay mudaharaad kasta oo aysan dowladu soo diyaarinin, waxayna kooxdu xisbiga Samayawi ku wargalisay in ay kalaabtaan mudaharaadka ay kubaaqeen.

Dhinaca kale xisbiga Samayawi ayaa sheegay dibadbaxyada ay shucuurtooda kumuujinayaan in ay xaq uleeyihiin, wuxuuna xisbigu sheegay in uu dhamaaday xiligii dowladu ay uqabatay xukunkii dag daga ahaa sidaa darteedna aysan joojin doonin dibad baxa ay kubaaqeen.

Warka ayaa intaas kudaraya in labada dhinacba uu kamuuqdo diyaar garoow aad ubadan iyadoo la arkayo dadwaynaha oo dibad bax udiyaarsan iyo taliska wayaanaha oo ciidamo kusoo daabulayo dhulka laga cabsi qabo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay