Hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan maleeshiyada Daacish looga daad gureeyey xuduudda Suuriya iyo Libnaan horraantii todobaadkan.

Khudbad uu khamiistii jeediyey ayuu Hassan Nasrallah ku sheegay inuu Al-Assad weydiistay inuu aqbalo heshiiska oo lagu beddeshay inay xubnaha Daacish bixiyaan akhbaar ku saabsan sagaal askari oo Libnaan u dhashay oo la qabsaday sanaddii 2014.

Si shaqsi ah ayaan ugu tagay Assad, oo aan weydiistay inuu gacan ka gaysto sidii dagaalyahanada Daacish looga saari lahaa xuduudda” ayuu yiri Nasrallah. In ka badan 600 oo dagaalyahano Daacish ah iyo qoysaskooda ayaa Isniintii laga daadgureeyey xuduudda Libnaan iyo Suuriya.

Dagalayahanadan ayaa waxay basas geeyeen magaalada Xims, oo ay uga sii gudbayaan gobolka Deir al-Zour ee bariga Suuriya, halkaasi oo Daacish ay weli maamusho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.