Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta Gumaysiga kujira ayaa sheegaya banaan baxyo waawayn oo labadii bari ee lasoo dhaafay kasocday qaybo kamid ah dhulka ay Qoomiyada Oromadu dagto, banaan baxyadan oo qayb ka ah mowjado kacdoona ah oo socday sanad iyo badhkii lasoo dhaafay ayaa lasheegayaa in ay gaadheen meeshii ugu saraysay.

Sida xogta aan kuhelayno ururka dhalinyarada Oromiya oo QEEROO ayaa abaabulay kacdoon kadhan ah taliska wayaanaha iyo cawaantiisa oo laga sameeyo wadada dheer ee isku xidha magaalooyinka Addis Ababa iyo Jigjiga, waxayna shacabku siwacan uga jawaab celiyeen codsigii ururka dhalinta ee QEEROO.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay dibad baxayaashu isku fidiyeen inta udhaxaysa magaalooyinka Harar iyo Baabili, halkaas oo sida lasheegayo ay isugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo diidan dhaqanka qalafsan ee xukuumada Wayaanaha, waxayna shacabku ku dhawaaqayeen erayo kooxda TPLF kadhan ah.

Goobjooge kusugan deegaanada ay dibad baxyadu kasocdaan ayaa sheegaya in ay banaan baxayaashu joojiyeen dhamaan isusocodkii gaadiidka iyo dadwaynaha iyagoo gubayay taayaro isla markaana tuurayay dhagaxaan aad ubadan.

Waxaa guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya kajira kacdoono shacab oo saamayn kuyeeshay dhamaan shaqooyinkii maamulka taliska wayaanaha, waxayna kacdoonada si aan kala joogsi lahayn uga socdaan Gobolada Axmaarada, Oromada, Canfarta, Shucuubta Koonfureed iyo wadanka Ogaadeeniya oo mudo dheer uu kajiray kacdoon shacab iyo dagaal fool kafool ah.

Dhinaca kale taliska wayaanaha oo isku dayaya in uu afka qabto shacabka ayaa ciidamo aad ubadan kusoo daabulay goobaha ay kacdoonadu ubadan yihiin isagoo inta badan adeegsada ciidamada udhashay qoomiyadaha Tigreega iyo kuwa laga tiro badanyahay ee lagumaysto.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay