Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee gobolka Ohio dalka Mareykanka ayaa sheegaya in la dhaawacay Haweeney Soomaaliyeed, kaddib markii rasaas lagu furay.

Nin cadaan ah oo watay gaadhi ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay Haweeneydan xili sida la sheegay ay ka soo baxday goobteeda shaqo. Rasaasta lagu furay ayaa la sheegay in uu kasoo gaadhay dhaawac, waxaana hadda lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Columbus halkaasi oo ay ku booqdeen Soomaali badan oo ay kamid yihiin dad ay Qaraabo dhow yihiin.

Haweeneydan oo ilaa iyo hadda aan magaceeda helin ayaa waxaa qeybaha dhexe ee jirkeeda ka soo gaadhay dhaawac culus, inkastoo hada dhakhaatiirta ay wadaan samata bixinta dhaawaceeda.

Lama oga sababta Ninka Mareykanka ah uu u bartilmaameesaday haweeneydan Soomaaliyeed,  hasse ahatee ma’aha dhacdadii ugu horeysay ee sidan oo kale qof Soomaali ah lagu wax yeeleeyo gudaha gobolka Ohio.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay