Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka koonfur afrika wax garadka iyo odayaasha ayaa waxay shir jaraa’id ku qabteen magalaada Johanesburg waxay na si wayn u cambaareeyeen falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada muqdisho kaasoo lagu dhiibay muwaadin somaliyeed oo kamid ahaa ciidankii xooga dalka somaliyeed qaybtiisii 21 aad Mudane Halgame Abdikariim Sheekh Muuse kaasoo ku dhaawac may dagaalkii lagu xorayn hayay ciida somaliyeed sidoo kale wuxuu kamid ahaa masuuliyiin sar sare Ee Jabhada ONLF.

Odoyaasha iyo waxgaradka ayaa waxay canbaareeyeen falkaasi waxayna ku tilmaameen mid ka hor imaanaysa xuquuda banii aadamka somalinimada iyo islaamnimada kaasoo lagula kacay muwaadin somaliyeed.

Odayaasha waxaya ka hadleen shirjaraa’id waxay ka dalbadeen in dawlada somaliya ay dib usoo celiso muwaadinka somaliga ah xoriyadiisina usoo celiso.

ONA/Johanesburg.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay