Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay kooxda TPLF tu mamnuucday bandhigeed uu dhigi lahaa fanaan caan ah oo udhashay wadanka Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa amar adag dul dhigay taageerayaasha fanaanka caanka ah ee lagu magacaabo Tedi Afri oo kamid ah fanaaniinta dhaliila xukuumada wayaanaha iyo cawaanta lashaqaysa, wuxuuna talisku taageerayaasha fanaanka usheegay in aysan wax isu soobax ah samaynin.

Kooxda argagaxsan ee TPLF ayaa sheegtay in amaanku uu faraha kabixi karo hadii ay isu soobaxaan taageerayaasha Fanaanka oo aad ubadan, waxayna kooxdu kabaqday in showgu uu isu badalo mudaharaad lagaga soo horjeedo taliska wayaanaha.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa Fanaanka Tedi Afri u haysata heeso uu dhowr sano kahor ku karbaadhay taliska wayaanaha isagoo siwayn uga heesay doorasho kusheegtii ay kooxda TPLF tu kushubatay, waxayna kooxdu doonaysaa in ay ka aar goosato Tedi Afri.

Tedi Afri oo ah fanaan caan ah oo shacabka ree Itoobiya taageero wayn kahaysta ayaa kamid ah fanaaniinta tirada yar ee wadanka kusoo hadhay isla markaana kahadla dareenka shacabka afka lahayo ee ree Itoobiya.

Waxaa sanadihii lasoo dhaafay wadanka gumaysiga Itoobiya ka baxsaday Fanaaniin, Duuliye yaal, Siyaasiyiin, Ganacsati, Ciyaartoy iyo dad kale oo muhiim ah waxayna arintaasu muujinaysaa dhaqanka qalafsan ee kooxda TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay