Xisbiga shaqaalaha oo ah xisbiyada ugu wayn wadanka noeway ayaa wuxuu martiqaaday ururada bulshada ee wadanka norway taasoo ay kamid ahayd jaaliyada Ogadenya ee wadanka Norway shirkan ayaa waxaa ka qayb galay wafti uu horkacaayay mudane Halgame khaliif Abdi Ali oo ah gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya ee wadanka norway.

Kulankan ayaa waxaa lagu qabtay aqalka looga taliyo wadanka norway magaalada waxaana goobta kulanka lagu qabtay ay ahayd goobaha lagu bixiyo abaal marinta caalamiga ah ee Nobel peace price.

Shirkan ayaa lagaga hadlay qodobo dhawr ah waxaana kamid ahaa doorashooyinka soo socda oo looga baaqay in ay ka qayb qaateen ururada bulshada kala duwan ee ku nool wadanka norway dhanka kale shir waxaa kasoo qayb siyaasiyii  ah Caan ah waxaana kamid ahaa safiirkii hore ee wadanka norway u fadhiyay wadanka Eritrea mudane Reymond Johansen horay usoo ahaa madaxda xisbiga Arbeider Parti.

Shirka ayaa waxaa gabagabadii la isku waydaarsaday fikiro iyo talooyin waxaana waftigii jaaliyada Ogadenya ay si gaara uga warameen dhibaatada ka jirta wadankii Ogadenya iyo propagandhada cadaw gu fidin hayo ee beenta ah, iyo warbixino beena oo laga soo diyaariyay gudaha Ogadenya, waxaa sidoo kale ay codsadeen dib u fiirin in lagu sameeyo dadka kasoo cararay dhibaatada Ogadenya ee ku sugan wadanka Norway.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si wanaagsan.

ONA/Oslo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay