Banaanbax ballaadhan oo lagaga soo horjeedo dhiibitaankii Muwadhin Halgame C/kariim shekh muse (qalbidhagax) oo maanta IFO sihabsami leh uga qabsoomay

Maanta oo ah maalin Talaado ah taariikhduna kubeegantahay 5/09/2017 waxaa xerada Qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab Gobalka woqoyi Bari Kenya kadhacay banaanbax ballaadhan oo lagagasoo horjeedo dhiibitaankii halgame C/kariim shekh muse (qalbidhagax) oo sidaad ogtihiin dawlada somalia ugacangalisay gumaysiga madow ee ethopia

Banaanbaxan oo ahaa mid aad uballaadhan oo ay si iskood ah usoo Abaabuleen shacabka soomaaliyeed ee kudhaqan IFO ayaa billowday subixii hore ee saaka waxaana isbadalay gabi ahaanba jawigii deegaanka iyadoo ay bulshadu isugusoo baxday Garoonka wayn ee lagu oogo salaadaha Ciidaha waxayna dhamaan bulshadu wateen boodhad iyo sawiro katurjumaya sida ay uga xunyihiin muwaadhinka geesiga ah ee la iibsaday waxayna kudhawaaqayeen Erayo ay Ku cabirayeen dareenkooda Ku aadan Arintan ay kudhaqaaqday dawlada somalia oo ah mid mugdi galisay Ahmiyadii iyo Rajadiishacabka.
Dadka banaan baxan kasoo qayb galay ayaa kakoobnaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana horkacayay shaqsiyaad caana oo ay kamid yihiin Abwaaniin,Culimo iyo qaybo kamida maamullada sare ee xerada Ifo.waxaana lagusoo wareegay dhamaan jidadka waawayn ee magaalda iyo waliba xurunta hay’adaha ee kutaalla Ifo iyada oo lamuujiyay dadnimo iyo sida bulshadu ugubaahantahay midnimo soomaaliyeed waxaana dadka wajiyadooda kamuuqatay cadho iyo ciil ay uqabaan shaqsiyaadka iibsaday sharaftii soomaaliyeed

Sikastaba Ha ahaatee banaan baxan ayaa kusoo dhamaaday sinabada mana jirin wax caqabad ah oo lala kulmay

Abdullahi yare
ONA/Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay