Maanta oo Talaado ahayd waxaa waxaa subixii hore xerada Xagardheere ee deegaanka Faafi kaqabsoomay banaan bax aad uwayn oo lagu diidan yahay arintii jariimada ahayd ee ay kudhaqaaqeen mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya ugu saraysa.

Dadwaynaha oo watay sawirada mujaahid Cabdikariim Sheekh Muuse ayaa kudhawaaqayay Cabdikariim halasoo daayo iyo erayo lamid ah oo bulshada Soomaaliyeed ay kasinayd.

Sidoo kale dadwaynaha oo aad ubadnaa ayaa kudhawaaqayay erayo kadhan ah Farmaajo iyo Khayre oo ayaamo ka hor shacabka Soomaaliyeed kahaystay taageero wayn. Waxayna shacabku Farmaajo waydiisteen in uu kursiga kakaco mar haduu ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed dhiibay.

Dadwaynaha oo calanka buluuga ah ee Soomaaliya lulayay ayaa baarlamaanka soomaaliyeed ka codsaday in ay sharciga latiigsadaan shakhsiyaadka magicii iyo mansabkii Soomaaliyeed iib geeyay ee rajadii Soomaaliya baabi’iyay.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa banaanbaxa kasoo qaybgalay saxaafad aad ubadan oo kuwa afsoomaaliga ku hadla aha

ONA Xagardheere.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay