Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo faraha laysulatagay oo ciidamada gumaysi Itoobiya iyo kuwa Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj kudhex maray duleedka magaalada Gonder.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada Jabhada Gimbot 7 ayaa jidka ugalay kolanyo baabuur ah oo ay wateen ciidanka wayaanuhu kuwaas oo kusii jeeday magaalada Gonder, wararka jidgooyada ah kadib ayaa lasheegayaa in ay labada ciidan fooda isdareen waxayna xabadu socotay mudo saacado ah sida lasheegay.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka wayaanaha loogu awood sheegtay dagaalkan, waxaana la arkayay bakhtiga ciidanka gumaysiga oo sanduuqyo kujira oo baabuur Uuraalo ah lagu daabulayo.

Sidoo kale dhaawaca ciidanka gumaysiga oo aad ubadnaa ayaa sheegayaa in loosoo daabulay Hospital kuyaala magaalada Bahardar oo ciidanka wayaanuhu ay leeyihiin, dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen ciidankii wayaanaha oo kala carar kujira.

Afhayeen u hadlay Jabhada Gimbot 7 ayaa sheegay in ay ciidanka wayaanaha kafurteen hub iyo qalab ciidan oo aad ubadan, wuxuuna Afhayeenku sheegay in ay gacanta kuhayaan maxaabiis kamid ah ciidanka wayaanaha.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa ciidamo aad ubadan kusoo daabulay goobta ay dagaaladu kadhaceen, waxayna sidii caadada u ahayd ciidamada wayaanaha dhibaatooyin kala duwan ugaysteen dadka deegaanka oo jidh dil badan iyo xidhayba loogaystay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay