Wararka naga soo gaadhaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda rajo dhigtay ee TPLF ay bilaabeen qorshe cusub oo ay isku badbaadinayaan, kadib markay kufashilmeen joojinta kacdoonadii shacabka lagumaysto ee mudada labada sano kudhaw socday.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ayaa bilowday qorshe sahay uruursi ah oo balaadhan taas oo ay uga golleeyihiin in ay isku badbaadiyaan burburka taliska wayaanaha kadib, waxayna kooxdu gacanta kudhigtay dhamaan qalabkii muhiimka ahaa ee xukuumada wayaanuhu ay kushaqaynaysay.

Sidoo kale kooxda ayaa soo bandhigtay khariirad cusub oo Gobolka Tigreega ah, taas oo siwayn uga badalan khariiradii lagu yaqaanay Gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, kaas oo kamid ahaa Gobolada ugu yaryar ee wadanka Itoobiya.

Dadwaynaha lagumaysto ee Itoobiya kudhaqan ayaa mar kudh ah indhaha kukala qaaday TV-ga ku hadla afka xukuumada oo soo bandhigay khariirad aad uwayn oo sida lasheegay uu yeeshay Gobolka Tigreegu, waxaana sida Khariirada kamuuqata Gobolka Tigreega lagu daray dhul aad uwayn oo ay leeyihiin qoomiyada Qimaamt iyo qoomiyadaha kale ee dariska la ah Gobolka.

Intaas kadib waxaa gudaha magaalada Addis Ababa iyo magaalooyinka waawayn ee Itoobiya ka bilowday guux aad uwayn oo lagaga soo horjeedo qorshaha ay kooxda TPLF wado ee sida xaaraanta ah ay ugu qaadan rabaan dhulka qoomiyadaha dariska ah, waxaana arintaas si ay cabsi kujirto raali galin uga bixiyay taliska wayaanaha oo sheegay in khariiradan lasiidaayay xili aan loogu talo galin.

Aqoon yahanka iyo waxgaradka ayaa siwayn ufalanqaynaya iskudayga kooxda Tigreegu ay kudoonayaan in ay qaataan dhul ay qoomiyado kale leeyihiin si ay uhelaa dhul wayn oo dowlad lagu maamuli karo xiliga burburka kadib.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay