Waxaan dhamaan ogaysiinaynaa shacabka Waynaha somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Uk gaar ahaana magaalada London in la qaban doono mudaaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo dhiibitaanka Abdikariim Sheekh Muuse kaasoo dawlada somaliya ay u gacan galisay cadawga somaliyeed ee Itoobiya.

Hadaba waxaan dhamaan shacab waynaha Somaliyeed ee damiirka somalinimo leh kuwooda ka xun in muwaadin somaliyeed loo gacan galiyo cadaw somaliyeed inay kasoo qayb galaan mudaaharaadkan oo dhici doona 12 September 2017 ka.

Mudaaharaadka ayaa wuxuu ka dhici doona kasoo horjeedka Safaarada gumagsiga Itoobiya ay lee dahay wadanka Uk.

Kasoo qaybgal wanaagsan waad mahadsan tihiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.