Ciidamada Liibiya ayaa helay meydadka 16 qof, kuwaas oo ku geeriyooday saxahara Liibiya meel aad ugu dhaw xuduudka Libya la wadaago dalka Masar. Dadka meydadkooda la helay ayaa la aaminsan yahay in ay ahaayeen dadka tahriibayaal ah kuwaas oo ku jeeday dalka Libya.

Meydadka ayaa laga helay meel 50km u jirta magaalada xeebta ah ee Tobruk, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Libya Axmed Al-Mismari. Al-Mismari ayaa sheegay in ciidamadu weli raadinayaan in ay jiraan meyadad kale. Weli lama sheegin dalalka ay ka soo jeedaan kuwa ku dhintey saxaraha Liibiya.

Halka laga helay meydadka tahriibayaasha ayaa sidan oo kale horey looga helay muhaajiriin Liibiya u socdey meydadkoodi, kadib markii kuwa ka shaqeystaa tahriibtu ay halkaas ku daadiyeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.