Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ee gacanta Gumaysiga kujira ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia loogaystay, tacadiyadan oo isugu jira Xidhay, Jidh-dil iyo dhac ayaa udhacay sidan.

27/8/17 Dusmo oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh-dil isugu dareen
1 kowsar kaariye
2 khadra kaariye.

27/8/17 Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 xiis cabdi
2 sanbuul xiis
3 nuur yuusuf cabdulaahi
4 deeqa muxumed aadan.

29/8/17 Yucub oo Gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka bahalka ah ee wayaanuhu ku dileen Allaha unaxariisteen Farxiya Axmed Suldaan Cabdile.

29/8/17 Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 cabdiraxiim ibraahim
2 yaasiin cabdulaahi
3 mustafe sheekh xassan.

29/8/17 Cayuun oo Dagmada Dhuxun katirsan waxay ciidanka cadawgu xidhay iyo jidh dil isugu dareen Maxamed Daahir Siyaad.

29/8/17 Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu kuxidheen Cabdiqaasim Cali.

30/8/17 Garaslay oo Dagmada Dhuxun katirsan waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh dil isugu dareen Ardo Yuusuf Xassan.

1/9/17 Baanbuurad oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka cadawgu xidhay iyo jidh dil ugu gaysteen Nimco Muxumed dhuxul.

ONA Ogadena.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay