Waxaa hada xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab kasocda wajigii labaad ee banaanbaxyo lagaga soo horjeedo dhiibitaankii halyaygii Soomaaliyeed ee Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax.

Dibadbaxa maanta kasocda xerada Ifo oo aad ubalaadhan ayaa bilowday abaare 8:00 subaxnimo xiliga Dhadhaab, waxayna dadwaynuhu socdaalo dhaadheer kumarayaan xaafadaha iyo wadooyinka xerada Ifo.

Dadwaynaha ayaa kudhawaaqayay erayo kadhan ah Farmaajo iyo Khayre iyo waliba tiimka lashaqeeya waxayna dadwaynuhu dalbanayaan in ay kursiga kakacaan isla markaana cadeeyaan cida mas’uulka ka ahayd dhiibitaanka Halgame Cabdikariim.

Dhinaca kale dadwaynaha ayaa baarlamaanka Soomaaliya kacodsanaya in ay mas’uuliyadooda qaataan oo ay si toos ah ula xisaabtamaan xukuumada gumaysiga u adeegta ee Farmaajo uu soo dhoodhoobay.

Sidoo kale dadwaynaha ayaa beesha caalamka kacodsaday in ay kashaqeeyaan sidii Cabdikariim uu xoriyadiisii u heli lahaa, waxayna dadwaynuhu ku dhawaaqayeen Free Cabdikariim iyo erayo kale.

Dibadbaxyada oo saacadba saacada kadambaysa siixoogaysanaya ayaa hada kasocda xerada Ifo, waxaana kasoo qayb gashay saxaafada Afka Soomaaliga kuhadasha ee kusugan xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

Cabdulaahi Yare

ONA Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay