Maanta oo Khamiis ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 7/9/17 waxaa shir aad muhiim u ahaa yeeshay Jaaliyaadka Soomaalida Ogadenia ee aduunka iyo mas’uuliyiin katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Kulankan oo lagu qabtay dhinaca khadka Taleefoonka waxaa soo abaabulay Hogaanka Arimaha Abaabulka Iyo Jaaliyadaha (HAAJ) mudane Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi, waxaana kulanka kasoo qayb galay dhamaan Mas’uuliyiinta Jaaliyadaha Soomaalida Ogadenia ee aduunka.

Sidoo kale waxaa kulanka kasoo qayb galay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia Mudane Adm. Maxamed Cumar Cismaan iyo Gudoomiyaha Hogaanka Dhaqaalaha ee JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad, waxayna ugu horaynba madaxdu qaateen warbixino aad udhaadheer oo ka imaanayay Gudoomiye yaasha Faracyada Jaaliyadaha Ogadenia.

Sidoo kale waxaa kulanka khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Gudoomiyaha JWXO Adm. Maxamed Cumar, wuxuuna gudoomiyuhu kudheeraaday dhacdadii ugu dambaysay ee Halgame Cabdikariim Sheekh Muuse loogu gacan galiyay cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa khudbad dheer laga dhagaystay Hogaanka Arimaha Dhaqaalaha ee JWXO Drs Cibaado Xirsi Mahad waxayna marwo cibaado aad ugu dheeraatay dhinaca dhaqaalaha iyo habka loo korin karo dhaqaalaha jaaliyaadka oo ah halbowlaha halganka Ogadenia. Sidoo kale marwo Cibaado ayaa jaaliyaadka lawadaagtay xogaha ay kahayaan dhacdadii foosha xumayd ee lagu dhiibay Cabdikariim Sh Muuse iyo hadalkii riqiiska ahaa ee kaso baxay golaha wasiirada Somalia.

Sidoo kale waxaa kulanka khudbad qiimo badan kasoo jeediyay Hogaanka HAAJ mudane Maxamed Rashiid Sh Cabdulaahi, wuxuuna hogaanku ugu horaynba kawarbixiyay arimaha Jaaliyaadka Soomaalida Ogadenia ee aduunka, sidoo kale hogaanka ayaa si lamidd ah madaxdii hadalka uga horaysay uga hadlay arinta Qalbidhagax iyo waxa kajaaliyaad ahaan kala gudboon.

Dhinaca kale gudoomiye yaasha faracyada Jaaliyadaha ee kulanka kasoo qayb galay ayaa dhankooda su’aalo aad ubadan waydiiyay Gudoomiyaha JWXO iyo madaxdii kale ee shirka kasoo qayb galay waxayna jaaliyaadku tilmaameen doorkooda ku aadan arinta halgame Cabdikariim Sh Muuse.

Gabagabadii kulanka ayaa si kulul loogu canbaareeyay falkii foosha xumaa ee lagu dhiibay Cabdi kariim iyo hadalkii doqonnimada ahaa ee kasoo yeedhay Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Shirka waxaa kasoo qayb galay gudoomiye yaasha Faracyada jaaliyadaha Ogadenia ee Yurub, Aasiya, America, Australia, iyo Africa. Wuxuuna ahaa mid kamid ah kulamada ugu qaalisan ee jaaliyaadka Soomaalida Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay