Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya qarax ay dad kudhamaadeen oo kadhacay dhismo wayn oo kasocday magaalada Addis Ababa. Sida xogta aan kuhelayno qaraxa ayaa kadhacay garoon baryihii udambeeyay laga dhisayay gudaha magaalada Addis Ababa.

Qaraxa garoonka kadhacay ayaan la ogayn nooca uu yahay iyo waxa sababa in uu dhaco, waxaana sila sheegay qaraxaas kunaf waayay 7 shacab ah halka 37 qof oo kalana ay dhaawacyo waawayn kasoo gaadheen, waxaana lasheegayaa in dhibkan uu taliska wayaanuhu qarinayay tan iyo intii uu dhacay oo ahayd mudo labo todobaad kahor ahayd.

Qaraabada dadka shacabka ah ee kudhintay ama kudhaawacmay garoonka ladhisayay ayaa taliska wayaanaha iyo shirkada dhismaha waday oo Shiinays ahba ku eedeeyay in ay qariyeen dhibka soo gaadhay eheladooda, waxayna shacabku arintan ogaadeen kadib markay warbaahintu ogaatay dhibka dhacay iyo dadka ku waxyeeloobay.

Cadaawada taliska wayaanaha ayaa gaadhay in aysan sheegin dadka shacabka ah ee ku waxyeelooba gudaha wadanka isla markaana ay ka ilaaliso daryeel caafimaad oo looqabto, waxayna kooxda TPLF ku dadaashaa in aysan is arag hay’adaha arimaha bini’aadam nimada kashaqeeya iyo shacabka lagumaysto ee Itoobiya.

Dadka shacabka ah ee kuwax yeeloobay garoonka magaalada Addis Ababa ayaa hada lageeyay isbitaalka Mililik waxaana lasheegayaa in ay xaaladoodu aad uliidato.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa ku andacootay in ay dadka uqariyeen sababo laxidhiidha amaanka wadanka, waxayna kooxdu sheegtay in ay kabaqeen kacdoono shacab oo halkaas kadhasha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay