Hardanka mudada dheer soo socday ee ku salaysnaa damaca gumaysiga ee ah dhulboobka iyo halganka ONLF ee ah difaaca sharafta Soomaali wuxuu soo socday in kabadan dhawr iyo sodon sano.

Shacabka Soomaalida Ogadenia iyo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO/ONLF) si cad ayay u diideen damacaas gumaysiga dhiig badana way u daadiyeen si ay u difaacaan sharafta umada Somaliyeed waxayna ONLF muujisay geesinimo iyo karti aan xiliyadan cid kale ka suurto gasheen waxayna difaac dhab ah iyo gaashaan u noqdeen jiritaanka guud ahaan umada Soomaaliyeed.

ONLF mudadii ay dagaalka ku jirtay waxay barbar waday wacyi-galin iyo hogo tusaalayn ay umada Somaliyeed kaga haqab tiraysay damaca Gumaysiga Itoobiya waxayna marar badan la kulantay in maamulada Somalida loo adeegsado sidaasna waxaa lagu dhibaateeyay madax ONLF katirsanaa iyo waliba dad shacab ah oo gumaysiga loo gacan galiyay waana wax aad looga xumaado ah oo damiirka fayow dhaawacaya, midan maanta taagana waa mid kasiixun oo kasii liidata xumaantii hore ee ay Maamul goboleedyadu samayn jireen, waxaa ayaandaro ah in ay dawlad dhan oo laleeyahay way madax banaantahay oo waa xor ay muwaadiniinteedii ay xukumaysay u gacan galiso cadawgeedi 1aad.

ONLF waxay difaacday sharafta iyo Somalinimada waxayna u hurtay Naf, Maal Maskax iyo wakhti intaba, runtii ONLF waxay u dhabar adaygtay xili aad u adag oo garab la’aan ku qabsaday waxayna ku samirtay waxyaalo faro badan oo hadii aysan samir kaga gudbin ay ku fashilmi lahayd waxaase nasiibdaro ah in maanta dawladii shacabka Soomaaliyeed ay ku wada farxeen dhalashadeedi ee ay u wada dabaaldageen ay si toos ah u dhahdo QALBI DHAGAX waa Al-shabaab ONLFna waa Argagixiso,.

Mar kale ONLF iyo shacabka Somalida Ogadenia waxaan ku amaanayaa dulqaadka ay u yeesheen hagardaamooyinka ay dadka Somaalida ah gaysanayaan waxaana xaqiiqo ah in ay arintaasi muujinayso aqoonta saraysa iyo bisaylka masuuuliyadeed ee madaxada ONLF waxayna u qalmaan in ay dhamaan umada somaliyeed hogaamiyaan waana lagu aamini karaa runtii, waxaa maanta la jogaa maalin mudan in shacabka Somaliyeed meel uu joogaba waajibka saaran ay gutaan gacmahana ay isqabsadaan, waxaa la joogaa maalintii ay kala miirmi lahaayeen wadaniga dhabta ah iyo khaa’inul wadanka dadkiisa iibsada.

  • Dhamaan shacabka Somaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay hiil iyo hooba garab ku siyaan shacabka Somalida Ogadenia ee mudada dheer u halgamayay xoraynta dhulka umada Somaliyeed ka maqan.
  • Jabhada ONLF waxaan ugu baaqayaa inay mideeyaan dhamaan shacabka Somaliyeed markastana ay ilaaliyaan wixii dhib abuuri kara ee dhexdooda ah, qofkasta oo Somali wadani ahna ay ka dhigtaan garab si uu u midhodhalo qorshaha guud iyo hadafka fog ee xoriyada ku xadaysan.
  • Dhamaan shacabka Somalida Ogadeniya gaar ahaan Ururada bulshada ee guda iyo dibadba jooga waa in aynu galo diyaar garoow rismi ah si aynu u hanano Xoriyadeena aynu mudada dheer baadi goobaynay

 

ONLF Waa Soomaali Gobonimodoon ah laakiin ma aha Argagixiso. Guul iyo gobonimo Isha Allaah

Free Ogadenia

#Free Qalbi dhagax

By Kulmiye Abdi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.