Waxaa maanta bandhig faneed balaadhan oo lagu marti qaaday ururka dhalin yarada iyo ardayda Somalida Ogadenya (OYSU) ee wadanka Germalka lagu qabtay magaalada Würzburg bandhigan ayaa waxaa lagusoo bandhigay hidaha iyo dhaqan shacabka Somalida Ogadenya iyo kan wadanka Germalka waxaan wacdaro ka muujiyay kooxda Fanka Hilaac Qaran ee ka dhisan dalka Germalka.

Kooxda hilaac qaran ayaa waxaa hor kacaayay Mudane Abdi Baadil iyo Abwaan haybe waxayna goobta kusoo bandhigeen suugaan murti xambaarsan dhanka kale Hoganka Warfaafinta iyo Xuquuqul insaanka Mudane Amiir Ahmed ayaa sidoo kale kamid ahaa wafuudii ka socotay ururka dhalin yarada OYSU waxay kulamo isla qaateen qaybo kamida kasoo qayb galayaashii bandhiga.

Markii uu dhamaaday bandhiga kadib ayaa waxaa kulamo wada qaatay qaybo kamida ururka dhalinyarada iyo mayorka magaalada Würzburg halkaas oo laga wada hadlay sidii loosoo xoojin lahaa xidhiidh ka dhaxeeya ururka dhalinyarada iyo ururada dhalin yarada ee wadanka Germalka ayadoo dhanka kale la isla meel dhigay in wada shaqayn joogta ah ay yeeshaan.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Germany.

  

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay