Gobolka Florida ee dalkan Maryakanka ayaa waxaa saacadaha soo socda ku soo wajahan duufaanta IRMA oo ah duufaan dabeylo xoog badan iyo roobab wadata.

Gudoomiyaha Gobolka Florida ayaa xaaladda halis ku tilmaamay, waxaana malaayiin qof oo gobolka ku nool la armay inay meelaha ay duufaantu ku wajahan tahay ka baxaan. Magaalada Bradenton, ee gobolka Florida oo ah meelaha ay duufaantu ku wajahan tahay waxaa ka jira qax iyo cabsi xoogan.

Dadkii deganaa magaalada ayaa ka qaxay, balse dadka ku harey ayaa waxaa ka mid ah Dr. Qaali Cabdalla Xuseen oo ah dhaqtar qaliin, kana howlgasha Isbitaalka magaaladasi ee Balake Medical Centre, halkaas oo shaqaalaha heegan buuxa la galiyey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay