Mudaaharaadkii Lagaga Soo Horjeeday Dhiibitaamkii Qalbi Dhagax oo Wali Ka Socda London.

Waxaa wali halkiisii kasii socda mudaaharaadkii balaadhnaa ee lagaga soo horjeeday dhiibitaankii Khayaanada Qaran ahaa ee lagu dhiibay Abdikariim Sheekh Muuse oo horay uga mid ahaa Ciidamadii Xooga dalka somaliyeed Qaybtiisii 21 aad horayna ugu dhaawac may dagaal ka dhacay goldogob asagoo ka difaacaya ciida somaliyeed cadawga haatan loo gacan galiyay ee Itoobiya.

Abdikariim sheekh Muuse Ayaa sidoo kale wuxuu ahaa Masuul sare oo katirsan gudiga fulinta Ee JWXO, guud ahaanba shacab waynaha somaliyeed ayaa aad uga cadhooday dhiibitaankii Qalbi dhagax waxaana ka dhashay qalalaaso iyo mudaaharaado balaadhan kuwaasoo ka dhacay gudaha iyo dibada dalkaba.

Hadaba waxaa hada ka socda Magaalada London ee wadanka Uk mudaaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeedo dhiibitaankii xaqdarada ahaa ee cabdikariim sheekh Muuse.

Hoos ka daawo Muuqaalka Qayb kamida Mudaaharaadka.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.