Waxaa Qalalaaso xoogan ka socdaa Jidka dheer ee isku xira Adiss Ababa, jigjiga iyo deegaanada ku teedsan oo xidhan kasoo aysan jirin wax isu socod ah guud ahaan ba socda, Waxaa Maanta isku dayday 4 gaadhi inay kusafraana dadka degaanka oo gadoodsan ayaa dab qabadsiyay waxaana halkaas ku basbeelay gawaadhidii oo dhan

Sidoo kale waxaa aad u kacsan guud ahaan ba Xaalada gobolka Oromiiya waxaana ka socda Mudaaharaado Balaadhan dadka degaanka oo aad ugadoodsan aadna utiro badan ayaa socda tuulooyinka ku teedsan Magaalada Harar waxana  laga cabsi qabaa inay xeryaha ciidamada udaataan lana wareegan gacan kuhaynta magaalada harar oo dhan gumaysiga ayaa sidoo kale wuxuu ciidamo tiro badan kusoo daadiyay goobaha ay kasocdaan mudaaharaadku.

Harar waa magaalada qadiimi ah waana magaaladii bariga Afrika guud ahaan looga arimin jiray xiliyadii hore sidoo kale waxay xarun u tahay ciidan gumaysiga Itoobiya haatan ayagoo xarumaha ugu waa wayn ee saadka ku leh magaalada Harar.

Dawlada germany oo Maanta warbixin kooban kaso saartay xaalada gumaysiga itoobiya ayaa lagu sheegay inaan sii jiritaan danbe rajo laga qabin mustaqbalki itoobiyana uu yahay mid gud dheer kudhacaya marba marka kasii danbaysa.

Hoos ka Daawo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.