Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa cunno qabateyn horleh ku soo rogey Kuuriyada Waqooyi taas oo ka fudud sida uu Maraykanku doonaayey.

Maraykanka ayaa doonaayey cunno qabateyn aad u adag in la saaro Xukuumadda Pyongyang, waxaana qorshaha Maraykanka looga weecdey si taageero looga helo Shiinaha iyo Ruushka oo leh diidmada qayaxan. Cunno qabateynta cusub ee Golaha Amaanku saarey ayaa la xidhiidha dhoofinta suufka dharka laga sameeyo iyo soo dejinta Gaaska.

Kuuriyada Waqooyi ayaa alaabaha dharka laga sameeyo sanadkii ka hesha lacag dhan 700 milyan oo dollarka Maraykanka ah. Qaraarka cusub ayaa dhigaya in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey aysan siin karin oggolaansho shaqo dadka u dhashey Kuuriyada Waqooyi. qiyaastii 93 000 oo qof oo Kuuriyada Waqooyi u dhashey ayaa ka shaqeeya dalal ka baxsan dalkooda.

Cunno qabteynta cusub ayaa jawaab u ah tijaabada isdabajooga ah ee Kuuriyada Waqooyi ku samayneyso hubka Nukliyeerka ah ee ay ugu danbeysey bishan horaanteedii. Madaxweynaha Ruushka ayaa horey uga digey cunno qabateynta la saaro Kuuriyada Waqooyi ”waxaa loo baahan yahay wada hadal siyaasadeed in lagu xaliyo qaddiyadda Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi” ayuu yidhi Putin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.