Waxaa ka socda Magaalada Geneva ee wadan Swizerland shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaasoo looga doodayay arimaha xuquuq insaanka gabood falada iyo tacadiyada lagu hayo dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa aan dawladaha lahayn.

Shirkan ayaa waxa ka qayb gali doona wufuud ka socota Monitoring Group, OYSU, Ogaden People’s Right iyo Ogaden Human Right Watch kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigi doona arimo muhiima oo ay kamid yihiin dacaayadaha Itoobiya iyo Itoobiya oo ku fashilantay inay ka jawaabaan cudurkii daacuunka ee dhawaan ka dhacay wadanka Ogaden.

Waxaa kale lagu soo bandhigi doonaa dhibaatada xuquuqda banii’aadminimo ee loo gaystay Shacabka Soomaalida Ogadenya kuwaasi oo ay ku hayaan xukuumada Gumaysiga Itoobiya, sidoo kale waxaa kamida wax yaalaha looga hadli doono isticmaalka Itoobiya ee Sharciga Argagixisada.

ONA/Geneva.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.