Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Binshangul ee gacanta gumaysiga kujira ayaa sheegaya dagaal culus oo dhex maray ciidamada dulmiga kucaanbaxay ee wayaanaha iyo dadka shacabka ah ee deegaanka.

Sida xogta aan kuhelayno dhalin yaro is abaabushay oo udhalatay deegaanka Binshangul ayaa jidka ugalay ciidamo uu gumaysigu leeyahay oo howlgal shacabka kadhan ah kujiray, waxaana lasoo tabinayaa in ciidankii gumaysiga laga dhigay mid dhumay iyo mid dhaan raacay.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidamada gumaysiga dagaalkan jid gooyada ah lagaga dilay 6 askari halka dhaawucuna uu tiro beelay, sidoo kale dadka deegaanka ayaa gacanta kudhigay 2 kamid ah ciidanka wayaanaha.

Goobta uu dagaalku kadhacay ayaa lasheegayaa in ay tahay goob istaraatiiji ah waxayna kutaalaa xuduuda Sudan, Eritrea iyo Itoobiya, halkaas oo sida lasheegay ay qoomiyada Tigreegu rajo wayn kaqabto si ay dabada ula gasho burburka taliska wayaanaha kadib.

Dhinaca kale ciidamada dulmiga kucaan baxay ee wayaanaha ayaa sidii caadada u ahayd gaystay xasuuq balaadhan oo isugu jira dil, dhac, xidhay kufsi iyo jidh-dil, sidoo kale ciidanka gumaysiga ayaa lasheegayaa in ay gaysteen barakicin baahsan iyagoo dadka shacabka ah ku qasbay in ay deegaanadooda kaguuraan.

Dagaalada iyo weerarada lagu hayo ciidamada gumaysiga ayaa guud ahaan wadanka sare ukacay, waxaana lasheegayaa in ciidanka wayaanuhu ay karajo dhigeen u adeegida taliska wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.