Waxaa maanta maalintii labaad galay shir maalintii shalay ka furmay Ganeva oo looga hadlaayay arimaha xuquuqul insaanka gabood falada iyo tacadiyada lagu hayo dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa aan dawladaha lahayn ee la gumaysto.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay wafti heer sare oo ka socday Ogaden People’s Right Organisation OYSU iyo African monitor Right kuwaasi oo maanta Qudbado isku xiga ka jeediyay iyagoo si waafi ah uga hadlay tacadiyada xasuuqa barakaca iyo xidhayga uu gumaysigu ku hayo shacabka labgumaysto ee Ogaadeniya.

Shirk ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay dacaayadaha iyo wax yaalaha aan sal iyo raadka lahayn ee gumaysiga Itoobiya faafinayo waxaa sidoo kale looga hadlay cudurkii daacuunka ahaa ee dhawaa  ka dhacay Ogaadeniya kaasoo gumaysigu uu qariyay wax daawayn iyo kaalmaym ah uuna u samayn gumaysigu bulshada uu gumaysto ee Ogaadeniya.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay wufuud ka kala socotay caalamka oo dhan, waxaana Sanadkiiba mar lagu soo bandhigaa wax yaalaha dacadiyada dhibaatooyinka loo gaysto dadyowga laga tirada badan yahay iyo dadka la gumaysto ee aan lahayn dawladaha.

Shirka ayaa wuxuu maanta kusoo dhamaaday jawi dagan.

Wixii War war bixin ah ee kasoo korodha dib ayaan idiin kasoo diraynaa.

ONA/Geneva.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay