Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay (QM) António Guterres ayaa ku tilmaamay barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir tirtir ah.

Isaga oo Arbacadii saxaafada kula hadlayey xarunta QM ee magaalada New York, ayuu Guterres sheegay in sadex marki loo qeybiyo bulshada Rohinga qeyb ay ka carartay dhulkii ay daganaayeen. Wuxuu intaasi raaciyay in erayga kaliyah ee lagu qeexi karo waxa halkaasi ka socdaa uu yahay isir sifeyn.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Myanmar inay joojiso howlgalada ciidan ee ay ka waddo gobolka Rakhine ee ay ku badanyihiin muslimiinta Rohingya. Wuxuu kale oo uu ka dalbaday dowlada in ay gobolka kusoo celiso sharciga iyo kala danbeynta isla markaana ay u ogolaato dadka la barakiciyay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu saacaha soo aadan go,aan kasoo saaro arrinta Myanmar iyo xasuuqa loo gaystay shacabka muslimiinta Rohingya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay