Hogaanka Arimaha Abaabulka Jaaliyadaha ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Mudane Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi oo indhawaalaba waday shirar waawayn oo dhinaca khadka Taleefoonka ah ayaa shalay oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 17/9/17 qabtay shirkii 3aad oo kamid ah shirar qorshaysan oo kala warqaadasho iyo abaabul ah.

Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka HAAJ ayaa bilaabay shirar muhiim ah oo ay kasoo qayb galaan dhamaan Jaaliyaadka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee aduunka iyo mas’uuliyiin sarsare oo katirsan Jabhada ONLF, waxaana kulankii shalay soo xaadiray gudoomiye yaasha Jaaliyaadka iyo qaar kamid ah madaxda JWXO.

Ugu horaynba waxaa kulanka furay Gudoomoyaha HAAJ mudane Maxamed Rashiid Sh Cabdulaahi wuxuuna hogaanku bariidin iyo isbarasho kadib kuwareejiyay Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO mudane Cabdiqaadir Sh Xassan Biixi Hirmooge (Cadaani) wuxuuna mudane Cadaani xubnihii kulanka soo xaadiray lawadaagay warbixin aad uqiimo badan oo uu kaga warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay gaar ahaa dhacdadii xanuunka badnayd ee N/hure Cabdikariim loogu gacan galiyay cadawga umada Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay Hogaanka Samafalka iyo Arimaha Bulshada ee JWXO mudane Axmedyaasiin Sheekh Cabdi, wuxuuna hogaanku si waafi ah uga warbixiyay arimaha bulshada iyo wada shaqaynta hogaanka kala dhaxaysa jaaliyaadka JWXO ee caalamka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu siiqaado.

Sidoo kale mudane Axmedyaasiin ayaa madaxda jaaliyadaha lawadaagay qorshaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee kusaabsan shirwaynaha loobalansan yahay iyo diyaar garowga looga baahan yahay jaaliyaadka JWXO.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay hogaamintii Jaaliyaadka ee shirka kasoo qayb gashay waxayna soodhawayn iyo bogaadin kadib madaxda waydiiyeen su’aalo aad ubadan oo la xidhiidha arimaha Halgame Cabdikariim iyo shirwaynaha loobalan sanyahay iyo waliba su’aalo kale oo muhiim ah.

Madaxda JWXO ee kulanka soo xaadirtay ayaa dhankooda si waafi ah uga jawaabay dhamaan su’aalihii madaxda jaaliyaduhu ay soo gudbiyeen, waxayna madaxdu jaaliyaadka kahaqab tireen arimo badan oo ay tabayeen.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii shalay ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan iyo waliba kasoo qayb galayaasha oo aad isu ixtiraamayay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay