Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shucuubta Koonfureed ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal culus oo udhaxeeya labo qoomiyadood oo wada daga Gobolka ay ubixiyeen Shucuubta Koonfureed.

Sida xogta aan kuhelayno dagaal culus ayaa subixii hore ee maalin nimadii shalay oo Isniin ahayd kabilowday Gobolka Shucuubta koonfurta Itoobiya, halkaas oo ay isku faro saareen 2 qoomiyadood oo kamid ah kuwa lagumaysto ee wada daga Gobolka.

Warka ayaa intaas kudaraya in dagaaladan hurintooda iyo hagitaan koodaba ay lahayd kooxda TPLF ee caanka ku ah isku dirka qoomiyadaha kala duwan ee daris wadaagta iyo danwadaagtaba ah, waxaana lasheegayaa in saraakiisha ciidanka wayaanuhu ay simuuqata isugu hubeeyeen labada qoomiyadood.

Dagaalada oo wali laysku horfadhiyo goobihii laysku faro saaray ayaa galaaftay noosha dadbadan oo labadii dhinac ee dagaalamayay ah, waxaana isbitaalada Gobolka lageeyay in kabadan 40 qof oo dhaawac ah halka dhimashadana la arkay 11 qof oo mayd ah.

Sidoo kale dagaaladan ayaa gaystay barokac aad ubadan waxaana guryahoodii kaqaxay dad aad ubadan oo labada qoomiyadoo kasoo kala jeeda, waxaana dab laqabadsiiyay guryo aad ubadan oo dad shacab ah ay lahaayeen.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha ayaa si ay dagaaladu usii xoogaystaan bilaabay weerar ay kuqaadeen qoomiyadihii dagaalamayay waxayna sida lasheegayo gaysteen khasaare lixaad leh.

Dagaaladan iyo guud ahaan xaaladaha kacsan ee Itoobiya wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay