Shalay oo Isniin ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 18/9/17 waxaa xerada qoxootiga Xagardheer ee deegaanka Faafi ka qabsoomay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan gudiyada faracyada Jaaliyada JABSO ee kadhisan Gaarissa, Xagardheere, Ifo iyo Dhagaxlay.

Kulanka oo furmay subixii hore ee xiliga Xagardheere ayaa ugu horanba lagu bilaabay kala warqaadasho, waxayna mas’uuliyiintu siwaafi ah uga warbixiyeen deegaanadii ay kakala yimaadeen.

Sidoo kale mas’uuliyiintii kulanka kasoo qayb galay ayaa warbixino kadhiibay waxa kaqabsoomay howlihii lagu balamay intii labada shir wayne udhaxaysay, wuxuuna farac kasta soo bandhigay wixii uqabsoomay iyo wixii aan uqabsoomin iyo sababta uu uqabsoomiwaayay.

Shirkan oo kamiisaan cuslaa shirarkii hore ee gudiyada Faracyada ayaa lagu qaadaa digay qodobo muhiim ah waxaana kamid ahaa qodobadii hoosta laga xariiqay
In laxoojiyo lana tayeeyo barnaamijkii siyaasiga ahaa ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

In sare looqaado tirada iyo tayada xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee kahowl gala bariga Africa.

In Gobolka Woqooyi bari Kenya laga dhigo goob nadiif ka ah dadka dabaqaniinka ah kuwaas oo sida laysla qiray aan laga aqoonin deegaanadan.

Sidoo kale gudiyada ayaa kahadlay falkii jariimada ahaa ee xukuumada Somali ay halgame Cabdikariim Sh Muuse ugu gacan galiyeen cadawga umada Soomaaliyeed.

Gabagabadii kulanka oo mudo dheer socday ayaa soo xidhmay galabnimadii wuxuuna kusoo dhamaaday jawi dagan iyo waliba qodobo muhiim ah oo wax kaqabashadooda loobalamay.

Baclay
ONA Xagardheere.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay