Axmed Yaasiin Cabdi

ismalure@hotmail.com

Qofka aad u sii dhuuxa cinwaanka aan qormadan ugu wanqalay, wuxuu dhib-yari saadaalin karaa mawduuca aan u gogol-xaadhanayo inaan ka hadlo, laakiin waxaa suuragal ah in dadka qaarkii ay dulucda ujeeddadu garab-marto ama ay ka il-duufaan. Macnaha cinwaanka haddii aan bal-ballaadhiyo, wuxuu ka dhigan yahay “Shan la kala qaaray oo haddana qaybsami waayay”. Dabcan waa shan shay oo markii hore isku yaallay, laakiin si ula-kac ah loo kala qaaray, balse nasiib wanaag kala qaybsami waayay.

Muxuu yahay shaygan shanta loo kala qaaray? Kol haddiise la kala qaaray, muxuu u kala qaybsami waayay? Waa su’aalaha ay qormadu ka jawaabi doonto haddii Eebe idmo.

Sida ay bulshada soomaaliyeed ka wada warhayso, waxaa beryahan dambe warbaahinta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho qarqiyay hadal-haynta muwaadinkii soomaaliyeed ee dowlada dhexe ee Soomaaliya ay sida xaqdarrada ah ugu gacan galisay xukuumadda Itoobiya, oo ummada soomaaliyeed u aragto inay tahay cadowga kowaad ee soomaali leedahay. Muwaadinkaas, oo lagu magacaabo C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), waxaa 28kii Agoosto, 2017, isagoo gacmaha iyo lugaha ka jeebaysan loo dhiibay saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarad ku qaatay.

Markii laga warhelay dambigaas ay gashay dowlada Soomaaliya, waxaa markiiba billowday kacdoon shacbi oo aad u wayn, kaasoo gude iyo dibadba ka billowday, waxaana dowlada laga codsaday inay si degdeg ah uga hadasho waxa ka jira inay dambigaas wadajir u gashay iyo in koox gaar ahi ay galeen. Muddo dheer ayay xukuumaddu arrintaas ka aamusnayd, waxayna malahayga ku maqnayd dhagar ay dambigeeda ugu raad-gaddo.

Markii ay taariikhdu ahayd 6dii Sebtember, 2017, ayaa go’aan golaha wasiirrada ka soo baxay lagu sheegay inuu C/kariim Al-Shabaab la shaqaynayay, uuna ka tirsanaa ONLF oo argagixiso ah, sidaas darteed ay Itoobiya u dhiibeen, iyagoo sheegay inay cuskadeen heshiisyo Itoobiya iyo Soomaaliya ay horay u wada-galeen.

Fajiciso ayay dadkii ku noqotay, waxaana la qaadan waayay in dowladii uu shacabku u han-waynaa ay qaadato go’aan noocaas ah oo qaran dumis ah oo waliba khiyaamo qaran ah. Inay qaadato go’aan si cad uga hor-imanaya Dastuurka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay wax ka saxiixday. Haddana ka sii daranee ay cuskato heshiisyo aan horayba loo arag, dadkii saxiixayna ay sheegeen inay gaar u ahaayeen colaad ka dhalatay xasuuq malleeshiyo ay Itoobiya soo hubaysay ay dad shacab ah oo soomaaliyeed ugu gaysteen xuduud beenaadka.

Tallaabada ay dowaldu qaaday ee waliba ilaa iyo hadda ay ku adkaysanayso, ayaa loo arkay inay tahay xaajo ugub oon wali soomaalida horay u soo marin.

Waa markii ugu horraysay ee madaxwayne soomaaliyeed uu saxiixo qaraar waddan cadow ah loogu gacan galinayo muwaadin soomaaliyeed oon wax dambi ah lagu soo oogin, isla markaana aan kiiskiisa maxkamad la hor-gaynin.

Waa markii ugu horraysay ee madaxwayne soomaaliyeed uu jabhad soomaaliyeed oo gobannimo doon ah ku tilmaamo inay argagixiso tahay.

Waa markii ugu horraysay ee madaxwayne soomaaliyeed uu qalinka ku duugo in Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ayna ahayn dhul soomaali ka maqan, dadka soomaaliyeed ee deggana ayna soomaali ahayn.

Madaxwayne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Khayrre waxay u muuqdaan niman soomaalinnimada iyo taariikhda soomaaliyeed aan waxba ka ogayn. Waxay u badan tahay in soomaalinnimada la sheegayaba ay uga qaalisan yihiin baasaboorrada ajnabiga ahee ay wataan. Waxay ka indha la’yihiin halgankii loo soo galay xorriyada maanta lagu naalloonayo iyo wixii rag iyo dumar u soo dhintay.

Waxayna ogayn in dadka soomaaliyeed la kala qaybiyay markii ay isticmaarka reer Yurub Afrika yimaadeen. Intii xilligaas ka horraysay in dadka soomaaliyeed ay mid ahaayeen oo ayna jirin xuduudo u dhexeeyay. Waxayna garanayinin in dadka soomaaliyeed aan lagala tashin markii la kala qaybinayay, isla markaana ayna raalli ka noqonin kala qaybinta daw-darrada ah ee lagu sameeyay.

Waxay illoobeen in gobannimo doonka soomaaliyeed uuna xuduud aqoonin, balse uu halganku isku xidhnaa. Waxaan malaha loo dhigin in SYL ay xafiisyo ku lahayd Jigjiga iyo Qabridaharre. Waxaan xusuusin lahaa (kollay ma ayna maqlin baa laga yaabaayee) in waftigii ugu horreeyay ee isagoo matalaya soomaali tega Qaramada Midoobey, si ay aayahooda uga hadlaan, inuu ku jiray xubin muhiim ah oo matalayay dhulka ay hadda doonayaan inay Itoobiya siiyaan.

Ma laga yaabaa inay akhristeen ama waxgaradka ka maqleen in Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu ka yimid dhulka ay Itoobiya u saxiixayaan, halgankii uu hormuudka ka ahaana uu ahaa mid gayiga soomaaliyeed oo dhan lagaga xoraynayay gumaystayaashii kala duwanaa ee haystay. Sayid Maxamed maalinkii uu Barbara ka soo degay, waxaa canshuur waydiiyay mid ka mid ah shaqaalihii Ingiriiska, wuxuuna ugu jawaabay hadalkii caanka ahaa ee soomaali oo dhami ay ku dhaadato. Wuxuu ku yidhi “adigu markaad dhulkayga imanaysay, yaa canshuur kaa qaaday”. Wuxuu tusayay in dhulku uu yahay dhul soomaaliyeed, suuragalna ayna ahayn in nin caddaan ah oo shalay xoog ku soo galay uu ku canshuuro.

Dadka soomaaliyeed, meel kastoo ay joogaan, waxay ku gacan saydheen barnaamijkii gumaysiga ee ahaa in la kala gooyo. In kastoo ay gumaystayaashu tacab badan ku bixiyeen, haddana dadka soomaaliyeed wuu kala gu’i waayay, xuduud beenaadyadii la kala dhex-dhigayna way shaqayn wayday.

Waxaan daliil cad u ah, masuuliyiintii Soomaaliya soo maray, ama kuwa haddaba jooga, qaar badanoo ka mid ahi waxay ku dhasheen gobollada wali ku sii jira gacanta gumaysiga. Uma baahni inaan hadda magac-dhabo madaxda ku dhashay Ogaadeenya ama NFD ee Soomaaliya soo maray. Waxaase tusaale inoogu filan, dowladan hadda Ogaadeenya ka dhigaysa dhul Itoobiya leedahay, waxaa ra’iisal wasaare ku-xigeen ka ah nin dhulkaas ku dhashay, oo waxaan labo sano ka badnayn Jamhuuriyadda joogay.

Gumaystayaashii reer Yurub, oo saaxiib la ahaa Itoobiya, markii ay arkeen dadka soomaaliyeed oo ah dad wax walba wadaaga, firinfircoon, dhiig badan oo isu hiiliya, isla markaana Ilaahay ku beeray dhulkii ugu wanaagsanaa, uguna istiraatiisanaa, waxay go’aansadeen inay kala geeyaan oo dhulkoodana kala goo-gooyaan, iyagana kala qaybiyaan. Arrintaas waxay ugu danaynayeen Itooobiya iyo wadammada kale ee soo raaca ee gobolka ku yaalla.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.