Gumaystayaashii reer Yurub, oo saaxiib la ahaa Itoobiya, markii ay arkeen dadka soomaaliyeed oo ah dad wax walba wadaaga, firinfircoon, dhiig badan oo isu hiiliya, isla markaana Ilaahay ku beeray dhulkii ugu wanaagsanaa, uguna istiraatiisanaa, waxay go’aansadeen inay kala geeyaan oo dhulkoodana kala goo-gooyaan, iyagana kala qaybiyaan. Arrintaas waxay ugu danaynayeen Itooobiya iyo wadammada kale ee soo raaca ee gobolka ku yaalla.

Waxay ku talagaleen inay daciifiyaan dadka soomaaliyeed, si ayna u noqonin awood muuqata oo gobolka saamayn ku yeelata, isla markaana la tartanta Itoobiya oo loo diyaarinayay inay iyadu gobolka ka noqoto awoodda looga dambeeya ee ka talisa.

Hase yeeshee ku talagalkii noocaas ahaa gumaystayaashu way ku guuldarraysteen, waxaana ugu wacan iyadoo dadkii soomaaliyeed la kala goyn kari waayay. Iyadoo xuduudihii la kala dhex-dhigay ay shaqayn waayeen. Iyadoo afkoodii iyo dhaqankoodii uu kala gu’i waayay. Iyaddoo hiilladii iyo dhiidhigii soomaalinnimo ee ka dhexeeyay uu dhammaan waayay. Iyadoo is dhexgalkoodii, xigtadoodii iyo xididkoodii la kala saari waayay.

Waxaan xusuustaa maalinkii ay Jabuuti xornimada qaadatay waxaan ku jirnay safar qar-qarbo ah oo aan kaga soo qaxnay magaaladii aan degganayn. Xilligaas wuxuu ahaa xilligii uu socday dagaalkii caanka ahaa ee 77. Markii aan maalinkii oo dhan si habqan ah u cararaynay ayaan buur wayn oo lagu magacaabo “Jiirt Baraarato” hoosteeda degnay, ammin ay casar tahay.

Waxaan ka mid ahaa carruur yaryar oo dagaalka iyo hugunka hubka ku dhaga-barjoobay, oo argagax badani ka muuqday. Markii la degay ayay raggii waawaynaa idaacad furteen, ka dibna waxay billaabeen damaashaad aan caadi ahayn. Annagu waxaan la yaabbanayn wadciga colaadeed ee lagu jiro iyo hugunka xabbada ee dhagahayaga soo gaadhaya, iyo damaashaadka ay odayaashu billaabeen.

Mar dambe ayaan nin adeerkay ah waydiiyay sababta ay u dabbaal-degayaan, wuxuuna ii sheegay inay Jabuuti xorowday, Soomaali Galbeedna ay xoroobayso oo wax yar ka hadhsan yihiin, shantii soomaaliyeedna ay isu tagi doonaan. Soomaali Galbeed waan gartay oo in amxaaradii la eryayo oo lagu heesayo waan ogaa, laakiin waxaan fahmi waayay Jabuuti iyo shanta soomaaliyeed.

Adeerkay mar kale ayuu ii faahfaahiyay Jabuuti cidda ay tahay, wuxuuna ii sheegay inay yihiin dad soomaaliyeed oo Faransiisku gumaysan jiray, maantana ay xoroobeen. Intaas markuu ii sheegay ayaan damaashaadkii dhinacayga ka galay, waxayna ahayd maalintii ugu horraysay een laabtayda ku daabacay in Shanta Soomaaliyeed ay mar kale isu soo noqonayaan.

Afartan sano ayaa ka soo wareegtay xilligaas aan ka hadlayo. Arrimo badan ayaa is-beddalay, xilliguna waxaad mooddaa inuu ku jiifo ummada soomaaliyeed, laakiin midda aan is-baddalin waxay tahay “soomaalinnimada”. Soomaalinnimada Ilaahay baa na siiyay, mana jirto cid aan Ilaahay ahayn oo naga qaadi karta. Soomaalinnimaduna deegaan iyo dagal lagu yaqaano ayay leedahay, mana jirto cid dhaafin karta oon Ilaaahay ka ahayn.

Haddaba soomaalinnimadii ay gumaystayaashii reer Yurub burburin kari waayeen, ee gumaystaha Itoobiya waxba ka qaadi waayay, miyay  doonayaan Farmaajo iyo Khayrre inay cagta hoosteeda galiyaan. MAYA, suuragal ma aha, kama yeelayno, bulshada soomaaliyeedna kama yeelayso.

Heestii soo dhawayntooda loo qaaday, markii lagu jiray ololihii soo celinta qarannimada soomaaliyeed ee Farmaajo lagu doortay, ayaa hadda iyaga ku caddaatay. Eray kastoo heestan ku jira ayay ku sifoobeen, waxayna noqdeen Gabrihii dalka laga caydhinayay.

 

Heestan waxaa lagu magacaabaa “Shiddo nala joogtaay bax”, waxaana allifay Abwaan lagu magacaabo Xirsi Dhuux (sidaan ka daalacday muqaalka heesta). Midhaha Heestu waa midho cajiib ah oo qof afsoomaali-ruug ah mooyee aanuu qof kale fahmi karin. Kollayba qof Farmaajo oo kale ahi ma fahmayo. Waxaa si gaar ah ii soo jiitay erayadan;

….Soomaaliya shalabta cadowgeedii u showreen, qaybiyay ogtohoo,

Shirqoollada lala rabay garanoo,

Shabaqa loo dhigahayay aragoo,

Shuukida loo qodahayay duminoo;

Shan wiiloo wada-dhashoo, mid ahoon,

Shir lagu kala qaybin bay noqonoo;

Insha allah shidha-wiidhiga iyo shaqaaqada laguma jirayee,

Ka sheexa wixii na sharaf dilayee…………….

 

Abwaanka soomaaliyeed ee Heestan curiyay wuxuu ka mid ahaa dadwaynihii faraha badnaa ee u ololaynayay rajadii markaas muuqatay ee ahayd in la doorto shakhsi dalka Soomaaliya ka saari kara xaaladda cakiranee uu ku jiro oo soo noolayn kara qarannimadii iyo haybaddii soomaaliyeed ee dhulka sii galaysay dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay. Bulshada soomaaliyeed sida ay u badan tahay waxay Farmaajo u arkaysay inuu yahay shakhsi daacad ka ah wixii uu sheegayay ee ahaa inuu danta dadka iyo dalka ka shaqaynayo. Looma dooranin meel-marinta dano ay dawlado kale leeyihiin. Sidoo kale looma dooranin inuu ka shaqeeyo dano gobol gaar ah oo soomaaliyeed ama dad gaar ah. Dalka iyo dadka soomaaliyeed inuu u adeego ayaa loo doortay, isagoona kala saar-saarin, oon qaarna soo dhawaysanin, qaar kalana faquuqin ama cadowga u loogin.

Waxaan hubaa in dad badan oo bulshada soomaaliyeed ka mid ah ay ka niyad jabeen Farmaajo iyo dowlada uu madaxda ka yahay, ka dib markii ay yaqiinsadeen in dowaldu ay wali ku taagan tahay waddadii ay dalka ku burburiyeen dowladihii hore ee dalka soo maray, intii ka dambaysay buburkii dowladii Soomaaliya ee sannadkii 1991. Waxaa muuqata in xukuumadda Farmaajo ay waliba baro sii dheeraatay xukuumadihii ka horreeyay, isla markaana ay ku talajirto inay Itoobiya u fuliso barnaamijkii ay ka diideen dowladihii Soomaaliya isaga dambeeyay tan iyo markii xornimada la qaatay.

Abwaanku wuxuu si dhab ah u taageerayaa arrimihii aan kor kaga soo hadlay ee ahaa in soomaalinnimada aan la iska qaadi karin, himilada shacabka soomaaliyeedna ay tahay in maalin maalmaha ka mid ah la isu soo celiyo shantii walaalaha ahayd ee la isku dayay in la kala qaybiyo.

Dadka soomaaliyeed intooda badan sidaas ayay aaminsan yihiin, waxaana daliil u ah kacdoonka gude iyo dibadba is-qabsaday ee ka dhashay dhiibistii cadowga Itoobiya loo dhiibay C/kariim Sh Muuse, taasoo ayna dadka soomaaliyeed u kala hadhin. Dhacdadan iyo falcelinta ay dadka soomaaliyeed ka muujiyeen, waxay far waaywan ugu qortay cid kastoo doonaysay inay soomaali kala qaybiso, inay si-moodsiis iyo mala-awaal ku nooshahay. Soomaaliya waa “Shantii la kala qaree qaybsami wayday” ee qof waliba ha ogaado.

20 September 2017

 

Axmed Yaasiin Cabdi

ismalure@hotmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.