Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee wayaanuhu ay bilaabeen howlgal xoogan oo ay nafta iyo hantida shacabka kuxalaashanayaan

sida xogta aan kuhelayno ciidan kusheega amaanka ee wayaanaha ayaa guud ahaan magaalooyinka waawayn ee wadanka gumaysiga Itoobiya kabilaabay olole xoogan oo xiliyada habeenkii ah ay dadka shacabka ah kudhacayaan isla markaana tacadiyo kala duwan ugu gaysanayaan.

Ciidanka dhaqan xumada ku caan baxay ee wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay wadooyinka magaalooyinka soo istaagaan iyagoo dadka ku amraya in ay isbaadhaan, waxaana lasheegayaa in baadhitaanka kadib ay dadka kaqaataan moobeelada, lacagaha, saacadaha, dahabka iyo guud ahaan alaabta muhiimka ah ee ay dadku wataan.

Shacabka kudhaqan magaalooyinka waawayn ee Itoobiya ayaa siwayn uga cabanaya dhibka joogtada ah ee ciidanka wayaanuhu ay kuhayaan, waxayna shacabku sheegayaan in aysan diidi karin amarka ciidamada ee ah in baadhitaan lagu sameeyo hadana waxay dadku sheegayaan in ay baadhitaankaas kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Dhinaca kale ciidanka bahalka ah ee gumaysiga ayaa dil, jidh-dil, xidhay iyo dhac isugu dara dadka diida in labaadho, waxaana lasheegayaa in dadwaynuhu ay kacaageen socodkii xiliyada habeenkii waxayna dadku adeegtaan maalintii inta badan.

Ciidanka boobka iyo dhibaataynta shacabka kucaanbaxay ee Itoobiya ayaa dadka boobi jiray xiligii uu jiray xukunkii dag daga ahaa, waxayna ciidamadu dadka ugu dhici jireen guryahooda iyagoo kasoo qaata dhamaan alaabta muhiimka ah sida kumbiyuutarada iyo dahabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay