Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya bayaan saxaafada xorta ah lagu mabnuucayo oo kasoo baxay taliska guud ee xukuumada wayaanaha.

Bayaankan oo been iyo borobagaando laga buuxiyay ayaa lagu sheegay in xasaafada xorta ah ee wadanka kahowl gashay ay mas’uul katahay kacdoonada joogsan la iyo amaan xumada siibadanaysa ee wadanka kajirta.

Sida bayaanka xukuumada wayaanaha kasoo baxay lagu sheegay kooxda TPLF ayaan udulqaadan doonin waxyaabaha amaanka kadhanka ah ee ay wadaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa banaan waa sida ay hadalka udhigeen e, waxayna xukuumada wayaanuhu sheegtay in talaabo dag dag ah laga qaadi doono saxaafada xorta ah.

Dadka siyaasada wayaanaha udhuun duleela ayaa sheegaya in bayaankan uu yahay mid ladoonayo in lagu xalaashado hadhaaga yar ee suxufiyiinta xorta ah ee ka howlgala wadanka, waxaana lasheegayaa in bayaankan uu noqon doono qodob loo cuskado suxufiyiinta marka laxidho ama ladilo.

Wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa ah wadan lagu dhaqo wareegtooyin kasoo baxa taliska guud waxaana meel layska dhigay tastuurkii uu wadanku lahaa oo hada umuuqda buug waa laqoray uun.

Wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa ah wadanka 2aad ee loogu tacadiga badan yahay wariye yaasha aduunka, waxaana laxasuusan yahay wariye yaasha wadanka kabaxsaday iyo kuwa jeelasha kujira oo aad ubadan.

Siyaasada kooxda TPLF ayaa ah mid kuqotonta in shacabka afka laga xidho isla markaana meesha laga saaro warbaahin aan ahayn mida beenta tabisa ee afka xukuumada kuhadasha, waxayna shacabku noqdeen kuwo indhaha iyo dhagahaba la.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay