Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dawo la’aan baahsan oo kajirta guud ahaan Gobolada iyo Dagmooyinka wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa mar qudh ah wadanka laga waayay noocyaha kala duwan ee dawooyinka kadib markii shirkadihii dawooyinka keeni jiray ay waayeen lacagtii adkayd ee dibada wax lagaga soo iibsan jiray.

Afhayeen u hadlay shirkadaha dawooyinka soo dajin jiray ayaa sheegay in ay waayeen lacag ay wax kusoo iibiyaan kadib markuu dhaqaalihii wadanku hoos udhacay isla markaana bangiyada wadanka laga waayay lacagihii adkaa, sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in xukuumadu ay kajawaabi wayday codsi ay ugudbisteen oo ahaan in wax laga qabto dhaqaale burburka wadanka iyo lacagaha adag ee lawaayay.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xukuumada wayaanaha ku eedeeyay in ay shirkadaha dawooyinka soo dajiya dulsaartay canshuur culus oo in labixiyo ay adkaatay, wuxuuna afhayeenku intaas kudaray in shirkadii canshuurtaas bixin wayda lagala laabto ogolaanshihii ganacsiga.

Guud ahaan wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa umuuqda wadan musulafay, waxayna dhaqaale yahano arimaha dhaqaalaha Itoobiya lasocda kutilmaameen wadan ay adagtay in uu kasoo kabto dhaawaca dhaqaale ee soo gaadhay.

Sida aan horaan idiinku soo gudbinay guud ahaan wadanka Itoobiya ayaa laga waayay shidaal iyo sonkor, waxaana magaalooyinka waawayn lagu arkayaa dadka shacabka ah oo safaf dhaadheer ugu jira helida woxoogaa sonkor ama shidaal ah.

Sidoo kale waxaa wadanka Gumaysiga Itoobiya caadi kanoqday boobka hantida shacabka, waxayna saraakiisha sarsare ee wayaanuhu simuuqata udhacaan hantida umada iyagoo dalka dibadiisa daaro kadhisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay