Iran ayaa tijaabisey gantaal nooca ridada dhexe ah. Telefishanka Dowladda Iran leedahay ayaa muujiyey sawirada gantaalka la tijaabiyey.

Gantaalkan ayaa lagu soo bandhigey maalintii Jimacada ahayd bandhig cidiamada Iran sameeyeen, waana sawirada telefishanku sii daayey. Gantaalkan cusub ee Iran tijaabisey ayaa loogu magacdaray Khorramshah waxaana uu gaadhaa 2000 km, waxaana uu xanbaara karaa dhawr madax.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa mar kale xumeeyey xidhiidhka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka kadib markii uu adkeeyey cunno qabateyntii horey looga khafiifiyey waxaana ugu yeedhay in ay yihiin dal soo saara argagxisada, khudbadiisi shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. Iran ayaa sheegtey in hadalada ka soo baxaya Trump ay waxyeelo ku yihiin heshiiskii Nukliyeerka ee dalalka awooda leh iyo Iran kala saxiixdeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay