Wadanka Shiinaha, ayaa sheegay in ay xaddidi doonaan batroolka ay u dhoofiyaan wadanka Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu hoggaansanto cuna qabateyntii golaha ammaanka ee QM ay ku soo rogeen Kuuriyada Waqooyi, taas oo la xidhiidhay horumarinta gantaalada Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Wasaaradda ganacsiga Shiinaha war ay soo saartay oo lagu daabacay website-kooda ayaa lagu sheegay batroolkii ay u dhoofin jireen Pyongyang lagu xaddidi doono laba milyan oo barmiil sanadkii, laga billaabo Oktober kowdeedii.

Batroolka loo dhoofiyo Kuuriyada Waqooyi, ayaa la rumeysan yahay in ay u adeegsato horumarinta dhaq-dhaqaaqyadeeda Nukliyerka ee ay QM cuna qabateyn ku soo rogtay, sida lagu sheegay warka wasaradda ganacsiga ka soo baxay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay